Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Ma jirto been u faaftay sida magaca Ahlu Sunna wal Jamaaca u faafay. U gu horreyn macnaha magacaa loo ga jeedo iyo goortii uu baxay cid taqaannaa ma jirto. Waxaa la yidhi “Ahlu Sunnah” waxaa la ga wadaa dadka raacay dariiqii ama dhaqankii Rasuulka scw, laakiin ma jiro muslin aan sheeganayn in uu isagu hayo dariiqii Rasuulka. Markaa cid wal oo gooni u sheegata cid kale ayaa ka saaraysa. Si taa ka sii daran la ma yaqaan wax loo ga jeedo “Al Jamaaca”. Mar waxaa la yidhaahdaa waa saxaabadii iyo dadkii iyaga raacay. Mar waxaa la yidhaahdaa waa dadkii oggolaaday heshiiskii Xasan bin Cali iyo Mucaawiye sannadkii 41 Hijriga, sannadkaas oo loo yaqaan Caam al-Jamaacah. Mar kale waxaa la yidhaahdaa waa dadkii aan ka midka noqon firqooyinkii bilowgii soo baxay ee Khawaarij, Jahamiya, Qadariya iyo Jabariya ahaa. Mar kale waxaa la yidhaahdaa waa kuwaas oo la gu daray Muctasilada. Mar kale kuwaas baa la gu sii daray Shiicada oo noqotay Mad’hab weyn oo liddi ku ah cidda isa siisay magaca Ahlu Sunnah. Marka u dambaysa magaca waxaa dhexdooda ku qaybsamay oo ka la sheegtay intii isu soo hadhay oo ah afarta mad’habood ee Shaaficiya, Xanbaliya, Maalikiya iyo Xanafiya. Sidaas buu magacu macne ahaan, taariikh ahaan iyo tilmaan ahaanba u yahay wax aan si iyo meel ku sugnayn.

Waxaa fiican magacan in loo arko mid ay dabada ka riixayaan aragtiyo yaryar oo falsafadeed kuwaas oo siyaasad loo gu danaystay, laakiin aan haba yaraatee wax shuqul ah ku lahayn Shareecada iyo asaasyada Islaamka. U gu horreyn sababta Khawaarij loo fogeeyay ee loo gu sheegay in aanay haysan dariiqii Rasuulku waa siyaasaddoodii ahayd in ay ka baxeen taladii Cali iyo tii Mucaawiye labadaba, labadaa nin oo muslinkii is ku halaagay Kitaabkii Allena ku ka la bixi waayay, sidii ay u arkeen, dabadeed go’aansadeen labadaba in ay dilaan oo sharkooda muslinka ka qabtaan. Hadhow iyaga oo taa u qiil bannaysanaya wax ay la yimaaddeen arrinta ah, qofka denbii weyn gala ee aan ka toobad keenini waa gaal. Nimankaa halkaas baa la ga ga yimid.

Dabayaaqadii dawladdii dhaxaltooyada ahayd ee Banii Umaya waxaa mar soo wada baxay dhawr aragtiyood oo ka mid ah kuwa la ga saari doono tubtii Rasuulka. Midi waa Jabariya oo uu la yimid nin la yidhaahdo Jaham bin Safwaan kaas oo taageersanaa dawladda Umawiyada. Si aan boqorradii faasiqiinta ahaa loo ga hor iman wax uu keenay in Alle wax walba qaddaray oo dadku xaaladda ay ku sugan yihiin ku qasban yihiin, ayna tahay in ay ku raalli noqdaan. Taa wax uu u ga dan lahaa in xukunka la gu raalli noqdo. Fikraddaa waxaa ka hor timid mid liddi ku ah oo loo bixiyay Qadariya, taas oo iyaduna diiddan qaddarka gabigiisaba, masuuliyadda oo dhanna qofka bani aadanka ah dusha ka saaraysa. Is la berigaa waxaa isaguna soo baxay nin la yidhaahdo Geylaan Dimishiqi oo qaba aragti ah Ilaahay dadka la ma hadlo oo Nebi Muuse la ma uu hadlin, haddii kale sifada dadka ayuu yeelanayaa, laakiin malag uun buu farriin u soo dhiibaa. Saddexdaa qolaba waa la gaalaysiiyay waana la laayay, sidaa darteed loo ma oggola magaca Ahlu Sunnah wal Jamaacah.

Horraamihii dawladdii Cabbaasida waxaa soo baxday qolada la yidhaahdo Muctasila taas oo diinta wax walba caqliga ku eegtay, eegmadaas oo la gashay in ay ku qancaan Quraanku in aanu ka mid ahayn sifooyinka Alle ee isaga ka midka ah, laakiin yahay hadal uu isagu markii uu ku hadlay abuuray. Qolada Muctasilada diiddan, oo Axmed bin Xanbal iyo rag la laayay markaa u gu firfircoonaayeen, wax ay rabeen in la dhaho Quraanku sifooyinka Ilaahay buu ka mid yahay oo jiritaankiisa ayuu weligii la jiray. Legdan dheer ka dib qoladanna kuwii hore ayaa la ga daba geyn doonaa, in kasta oo ay jirto culimo u oggol in ay xayndaabka ku jiraan. Haddaba dhimashadii Ibn Xanbal ka dib ninkii Mad’habtiisa qoray oo la odhan jiray Abuu Bakar al-Khallaal iyo xertii la jirtay ayaa dhab u hirgaliyay magacan Ahlu Sunnah wal Jamaacah, iyaga oo dawladda taageeray si ay Muctasilada iyo Shiicada oo xoog lahaa isaga celiyaan dabayaaqadii qarnigii saddexaad ee Hijriga. Dawladduna magacaas aad bay u ga heshay oo waa ay ku shaqaysatay, si ay cid wal oo iyada mucaaradda u gu eedayso in ay tahay cid Sunnihii iyo Jamaacadii ka baxday.

Waxaa iyaduna is la qarnigaa dhan kale u baxday Mad’habta Shiicada oo dariiqa Rasuulka la ga saaray laba arrimood oo waaweyn dartood. Ta hore waa in ay qabaan madaxnimada muslinku in ay ka mid tahay arkaanta Islaamka, Cali iyo durriyaddiisa oo keli ahina taa lee yihiin, cid wal oo diiddaana gaalo tahay. Qodobka labaadna waa in iyaga oo kaa hore ka duulaya ay yidhaahdeen intii badnayd saxaabadii Rasuulku waa ay gaaloobeen ama faasiqoobeen, waxaana gaalnimada u gu horreeya Abii Bakar, Cumar iyo Cismaan oo tiirkii lixaad ee Islaamka dumiyay, Ahlu Beydkii la doortayna maamulkii iyo maalkii ka boobay. Qoladan isu taqaan Ahlu Sunnah iyagu wax ay u yaqaannaan Ahlu Khilaaf, oo ah Ahlu Beydkii iyo amarkii Rasuulka ayaad khilaafteen.

Yaa soo hadhay? Waxaa soo hadhay dadka hoos yimaadda afarta mad’habood ee Sunniga la is ku yidhaahdo, kuwaas oo is ku duubnidooda qolooyinka kale oo dhan lid ku wada ah. Laakiin dhab ahaantii iyaguna isu ma oggola ka mid ahaanshaha Ahlu Sunnah wal Jamaacah, waayo waxaa soo dhex galay arrimo la xidhiidha caqiidada oo aan ka dhicin waxyaalihii kuwii hore la gu ka la dhintay. Tusaale ahaan qolo ayaa rumaysan Ilaahay in aan jasad ahaan loo sifayn karin oo la dhihi karin wax uu lee yahay gacan, dhudhun, il iwm, kuwaas oo aayadaha arrimahaa sheegaya ta’wiiliya, halka ay qolo kale sifooyinkaa Ilaahay ku qirayso iyada oo aayadaha sidooda u qaadanaysa. Tusaale ahaan Xanbaliyada badankoodu wax ay qabaan Shaaficiyada oo caqiidada Ashcariyada raacsani in aanay ahayn Ahlu Sunnah wal Jamacaah. Xanbaliyadu wax ay kale oo jidka ka saareen Suufiyada oo dhan mad’habta ay doonaan ha haystaane. Iyagana dabcan kuwa kale wax ay u arkaan in aanay jidka ku toosnayn oo ku bidcoobeen sifaynta Alle iyo meelayntiisa. Markaa Ashcariyadu Ahlu Sunnah wax ay u yaqaannaan naftooda, Maaturiidiyada iyo Suufiyada oo qudha. Wax ay kale oo afartan mad’habood dadkoodu is ku diideen Ilaahay ma Carshiga ayuu joogaa mise meel walba? taas oo jawaabteeda la is ku gaalaysiiyay.

Haddaba magacan sheegashadiisa iyo cidda ku sifoobaysa aad baa weligeed ilaa maanta loo gu loollamayaa. Waxaa u dambeeyay shir caalami ah oo saddex sano hortood la gu qabtay magaalada Gorojni ee Jijiiniya kaas oo ay ka qayb galeen 200 oo caalim uu ku jiro Sheekha As’har. Kulankaas oo la gu qeexayay “yaa ah Ahlu Sunnah wal Jamaacah”? waxaa la ga soo saaray magacaa in ay ku sifoobayaan oo keliya Ashaacirada, Maaturiidiyada iyo Suufiyada. Halkaa waxaa debedda loo tuuray qolada isu taqaan Salafiga Wahaabiga ee Xanbaliga ah iyo Takfiiriga, kuwaas oo la gu xukumay bidco tubtii Rasuulka ka taraartay.

Sidaas buuna magacaasi u lahayn wax nuxur ah oo dhab ah, ee u yahay falsafado yaryar oo loo adeegsaday dano iyo loollanno siyaasadeed oo xilli walba dawladuhu wataan.

Ibraahin Hawd

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.