Waa Kuma Xubinta Cirro U Xushay Komishanka?

0

Waa Kuma Xubinta Cirro U Xushay Komishanka?

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa gudbiyay xubinta xisbigiisa ku metelaya Komishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka.

Jagadan oo la sheegay in ay dad badan ku loolamayeen ayuu ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cirro u xushay Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar.

Dalmar ayaa ah ganacsade ka soo jeeda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Guddoomiye Cirro ayaa Komishankii hore kalsoonida kala noqday kuwaas oo sheegay in ay galeen khaladaad doorashadii Madaxtooyada waxaana la eegi doona in Komishanka cusub ka xadaraan kalsooni kala noqoshada sahayatay Komishankii hore.
Ugu dambeyn waxa la sugaya xubnaha madaxweyne Biixi soo wado maaddaama guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Waddani iyo Guddoomiyaha UCID gudbiyeen afartii xubnood ee looga baahna.

Sayruuqnews
Hargaysa- Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.