Waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Maaliyadda Somaliland?

0

Aqoonyahan Yusuf Maxamed Cabdi Waa Mid Ka Mid Ah Aqoonyahan Dhalinyarada Ah Ee Somaliland Ee Wakhtiag Dheer Kusoo Qaatay Dowlad-nimada iyo Ka Shaqanta Wuxuu 18-kii Sano Ee Ugu Dambeeyey Uu Ka Shaqaynayey Wasaarada Maaliyada.

Wuxuu Ahaa Lodkii Ugu Horeeyey Ee Ka Qalin Jabiya Jaamacad Hargeysa Gaar Ahaan Kuliyada Dhaqaalaha iyo Maamulka Wuxuu Diyaariyey Laba Shahaado Oo Master Ah.

Wuxuu Diyaariyey Laba Shahaado Oo Kala Ahaa Public Administration Oo uu Ka Qaatay Jaamacada Shaqaalah Ee Dowlada Itoobiya Iyo Waliba Public Finance And Accounting Oo Uu Ka Qaatay Jaamacada Ku Taalad Wadanka Maraykanka.

Waxa Kale Oo Uu Public Administration Uu Ka Qaatay Jaamacada Dowlada Itoobiya.

Hada Wuxuu Wasiirka Cusub Ee Maaliyadu Uu Wadaa Masster Cusub Oo Ah International Trade Low And Development Oo Uu Ka Wado Jaamacad Ku Taala Wadanka Tansaaniya.

Wuxuu Muddo Dhawor Iyo Toban Sano Ah Uu Kasoo Shaqaynayey Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Uu kasoo Qabtay Xilal Kalana Duwan Waxaanu Muddo Afar Sano Ah Uu Kasoo Shaqaynayey Haayado Caalami Ah Oo Laga Leeyahay Wadanka Ingiriiska,

Waxa Uu Gudoomiye Ka Yahay Haayada Dimuqraadiyada Ee Geeska Wuxuu Ahaa La-Taliyihii Waaxada Miisaaniyada Ee Baarlamankia Somaliland.

Dhinaca Siyaasada Wuxuu Wasiir Yuusuf Ka Mid Yahay Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Sidoo Kale Wuxuu Ku Jiray Gudidii Dhaqaalah Ee Xisbiga Kulmiye Ee Qoray Buuga Xisbiga,

Wuxuu ka mid ahaa sagaalkii Xubnood Ee Qaybta Ka AHaa Xil Wareejinta Madaxweynaha Cusub Ee Soamliland Mudane Muuse Biixi Abdi Hada Waa Wasiirka Horumarinta Maaliyada Waxaanu Ka Mid Yahay Dhalinyarada Sida Shamaca Uga Dhex Iftiimi Doonta Xukuumada Somaliland.

Wasiir Yusuf Ayaa Lagu Tilmaama Inuu Ka Mid Yahay Dhalinyarada Yimid Xiligii Loogu Talo Galay Wasaarada Maaliyada Waxaanu Wax Badan Ka Qaban Doonaa Shaqo Abuurka Dhalinyarada Waxaanay Bulshada Somalilland Ka Filan Doonaan Waxqabad Badan Oo Dhanka Shaqo Abuurka Ah iyo Sixir Bararka Aafeyey Shacabka Somaliland.

Suxufi Bashiir Cabdi Wayd

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.