Waa Kuma Wasiirka Buuxin Doona Kaalintii Siyaasadda Gobolka Gabiley ee Samaale Banneeyey?

0

AA.Sheekh

Dhawrkii bilood ee u dambeeyey waxa dad badan isweydiinayeen saddexda wasiir ee ka soo jeeda Gobolka Gabiley – Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Beeraha Dr. Maxamed Daahir iyo Wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse – midkooda buuxin doona kaalintii siyaasadeed iyo saamayntii uu hawlaha siyaasadda gobolkaas ku lahaa Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kaashanayey saaxiibkii Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo si lama filaan ah xilalkii wasiirnimo isaga casilay, kadib markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka beddelay Wasaaradda Maaliyadda bishii March ee sannadkan 2015.

Wasiirka Wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Gobolka Gabiley, ayaa tilmaamay inuu buuxinta kaalintii siyaasadeed ee Samaale banneeyey haatan cidhiidhsaday Wasiirka Wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse oo ah masuulkii ugu da’da yaraa ee xil wasiirnimo ka qabta xukuumadda tan iyo intii Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii, isla markaana muddo ku dhow saddex sannadood maayar awood badan ka soo ahaa degmada Gabiley ka hor intii aan xilka wasiirnimo loo magacaabin, iyadoo arrintaasina u sahashay inuu labada wasiir ee kale kaga saamayn bato hawlaha siyaasadeed gobolkooda.

Wasiir Shucayb oo ah dhallinyaro aan weli 40 jir gaadhin waxa markii uu xilka Wasiirka Wasaaradda Wershadaha u dallacay bishii March ee sannadkan uu markiiba bilaabay qorsheyaal uu wasiirrada kale ee gobolkooda kaga hororsado taageerada siyaasadeed ee qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gobolka Gabiley oo wasiirnimada ka horna wakiil uga ahaa Samaale iyo Abiib Timacad oo saamayn aad u xooggan ku lahaa siyaasadda gobolkaas, waxaannu laba maalmood kadib markii uu xafiiska tirsaday martiqaad aan noociisa oo kale hore u dhicin isugu keenay siyaasiyiin, madax-dhaqameed, waxgarad iyo aqoonyahan ka soo kala jeeda dhammaan shacabka ku nool gobolkiisa.

Kulankaas taariikhiga noqday ee Wasiir Shucayb Maxamed Muuse isugu keenay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka, ayaa la sheegay inuu ka helay laba faa’iido oo sabab u noqday in uu darka hoggaaminta siyaasadda gobolkooda kaga riixdo labada wasiir ee kale oo iyaga qudhooda damac weyn ka hayey inay beddelaan Samaale iyo Abiib, kuwaas oo kala ah; midaynta aragtiyaha siyaasiga ah ee dadweynaha reer Gabiley oo dhowrkii sannadood ee u dambeeyey si weyn u kala qaybsanaa iyo kasbashada taageerada waxgaradka gobolkaas oo cod midaysan ugu sheegay Madaxweyne Siilaanyo in uu siyaasadda xukuumadda KULMIYE ee gobolka u metelo Wasiir Shucayb.

Dhinaca kale, muddo kooban oo uu xilka wasiirnimo hayey waxa uu Wasiir Shucayb sameeyey dedaallo kala duwan oo uu ku doonayo sidii loo horumarin lahaa adeegyada wasaaraddiisu ugu xilsaaran tahay qaranka, gaar ahaan dhinaca kobcinta wershadaha iyo tayada wax-soo-saarkooda, isagoo kulamo kala duwan la yeeshay ururka ay ku bahoobeen wershadlayda Somaliland, kuwaas oo uu ka dhegaystay warbixino ku saabsan heerka wax-soo-saarka wershadahooda, waxaannu ballanqaaday inuu la garab taagan yahay dhiirrigelin iyo wax kastoo ay uga baahdaan, qorshahaas iyo ballanqaadkaas oo wershaydlayduna si weyn ugu guuxeen, una soo dhoweeyeen.

Waxa kaloo uu dardargeliyey hawl-maalmeedka shaqo wasaaraddiisa oo aad u kala daadsanaa iyo weliba niyad-dhiska shaqaalaha, maadaama uu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee xafiiskiisa fadhiya 7:00 subaxnimo ilaa 1:30 duhurnimo maalin kasta, arrintaas oo ka dhigtay in wasaaradda dhaqdhaqaaq shaqo oo sii xoogaysanayaa ka muuqdo xilligan.

Sidaa darteed, dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda gobolka ayaa isku raacsan waqtigan in Wasiir Shucayb Maxamed Muuse hantiyey kalsoonida shacabka reer Gabiley oo u suurtogalisay inuu buuxiyo kaalintii siyaasadeed ee uu gobolka ugu jiray Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Xigasho:Jamhuuriya

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.