waa in Laascaanood laga taagaa taalada Sayidka

0
Mustafe Shiine

W/Q Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine)
Taariikhda Sayid Maxamed Candule Xassan, waa mid ku suntan sooyaalkii Somaliland iyo guud ahaan ummadda Soomaalida ah, gaar ahaan deegaamada reer Sool, necbow ama jeclow waa mid aanay cidi hor istaagi karin xuskeeda iyo xusuusteeda.
Dastuurka Somaliland ayaa ay ku xardhan tahay, waxaanan qirayaa in madaxweynaha maanta hayaa talada dalkan uu dhawr jeer ka waramay sida ay muhiimada u lee dahay taariikhdaasi, iyadoo aan goob joog ka ahaa siduu ugu fogaaday ka warankeeda oo dadka qaar ay hoosta ka lahaayeen “odaygu aad buu ugu fogaaday ka hadalka halgankii Daraawiishta “.
Haddaba waxaan maqlayaa in dhalinyaro si kale u dhigaysaa ay sheegayaan in laga hor istaagay xuskaasi.
Anigu waan qabaa in taaladdii Sayidka halka in laga taago ugu xaqa badan ay tahay degmada Taleex, haddii loo gartana ay tahay in laga taago caasimada gobolka Sool ee Laascaanood.
Ogow Sayidku wuxuu degay goobo badan waxa ka mid ah tuulada aan deegaan ahaan ka soo jeedo ee Midhishi, waxana mar Abaanduulaha ciidamadiisa ka mid ahaa Darwiish Cabdi Dheere, taasi micnaheeda maaha in shaqsiyaad ka mid noqday ay reer Sool kula tartami karaan halgankaa Daraawiisheed, balse waa xasuusin in halgankii Sayidka uu ahaa gaalo- diid , inkastoo uu marmar birta ka asli jiray dad iyo deegaamo uu hiil la waayay ama uu ku sheegay kuwo xujoobay, waxana arrimahaasi laftigooda ay ka mid noqon karaan kuwa lagu daro taariikh dhigaaleedkiisa.
Hadda ogow aniga qoyska aan ka soo jeedaa waxa ay ka mid yihiin kuwa fara ku tiriska ah ee uu gabay ku amaanay ama uu ka dardaar weriyay inay gaalo ka raacaan ee uu gaat u xusay sida gabaygii ahaa :-
* niman yahaw Gadhweyn gaalo hayga raacina.
Haddii ay suurto gal tahay waa in Laascaanood laga taagaa taalada sayidka 100% baanan taageersanahay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.