Us :Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ka Jabay Lugta

0

Waxa loola cararay cusbitaal si xaaladdiisa caafimaad wax looga qabto, kadib markii baaskiil uu watay la dhacay

Washington (Sayruuq)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mr. John Kerry, ayaa la ka jabay lugta midig, kadib markii ay la dhacday baaskiilad uu watay isagoo ku sugan dalka Faransiiska maanta.

john-kerry-bicycle_3324150cAfhayeen u hadlay Xoghayaha Khaarajiga Maraykanka, ayaa sheegay in Mr. John Kerry loola cararay cusbitaal ku yaal dalka Switzerland si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad, kadibna si degdeg ah loogu duuliyey dhinaca dalka Maraykanka.

“Waxa uu ku jiraa xaalad deggan, waxana markiiba lagu qaaday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah, waxana la ogaaday inuu ka jaban yahay lafta bawdada ee lugta midig, balse xaaladdiisu way fiican tahay,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Mr. John Kerry oo da’diisu tahay 71 jir, waxa la dhacday baaskiilad uu saarnaa, waxana hakad ku yimi safar uu ku mari lahaa dalal Yurub ah, iyadoo lafta uu ka jabay u dhawdahay misigta oo hore qalliin loogu sameeyey.

“Xoghayaha jabniin culus ayaa gaadhay, waxana la dhigayaa Cusbitaalka Massachusetts Genaral Hospital oo ku yaal magaalada Boston ee dalka Maraykanka, halkaasoo uu kula kulmi doono dhakhtarkiisa oo hore qalliin dhinaca misigta ah ugu sameeyey,” ayuu yidhi Afhayeenka Maraykanka ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.