Ururka Xamaas Oo Ammaanay Farmaajo Oo Diiday In Uu La Kulmo Ra’isal Wasaaraha Israaiil

0
Farmaajo Oo Hakiyay Socdaalkiisa Qadar

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa diiday in uu la kulmo Ra’isal wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu xilli uu dhawaan bookhasho ku joogay caasimada Kenya ee Nayroobi. Xogaha laga helay arrintan ayaa sheegay in Farmaajo ka biyo diidsana xurgufta u dhexeysa Isra’iil iyo Falastiin.

Warbaahinta Middle East Monitor (Memo) ayaa baahisay in arrintan ay soo dhawaysay bulshada Falastiin. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in ay arrin qiimo weyn leh tahay in Farmaajo diido la kulanka Netanyahu. Waxa uu sheegay in ay dad ahaan iyo dal ahaanba u bogeen Soomaaliya, islamarkaana ammaan iyo sharaf uu mudan yahay madaxweyne Farmaajo.

Waxa kale oo uu sheegay in mawqifka Farmaajo ka turjumayo walaalnimada Soomaaliya iyo Falastiin, islamarkaana uu ka soo horjeedo in la sharciyeeyo qabsashada Isra’iil ee dhulka barakaysan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.