Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Warsaxaafadeed Kasoo Saaay Dacwadaha Ciqaabta Ah Ee Yaala Maxkamadda Iyo Xadhiga Wariyayaasha

0

Hargeysa(Sayruuq)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu u arkaa Dacwadaha ka dhanka ah hay’addaha warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland ee loo marayo Xeerka Ciqaabta Guud mid ka hor imanaya Xeerka Saxaafadda Somaliland qoddobkiisa 10aad faqradiisa 6aad, kaasoo si cad u sheegaya in Dacwadaha Saxaafadda loo raaco xeerarka Madaniga ah ee Dalka.

Ururka SOLJA waxa maalmahan uu isha ku hayaa Dacwadaha Xukuumaddu ku soo Oogayso wargeysyada kala ah Ogaal, Waaheen, Hubaal, Hubsad, Xogo-gaal iyo Codka Shacabka iyo sidoo kale, wariyayaal ka tirsan bahda warbaahinta gaar ahaan kuwo isticmaala Mareegaha iyo Facebook-ga, kuwaas oo dhamaantood gal-dacwadeedyada ka yaala Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay yihiin kuwo Xeer ilaalintu usoo cuskatay Qoddobada Xeerka Ciqaabta qaarkood sida 70,71,75.

Uruka SOLJA waxa uu markasta u arkaa Xeer ilaalinta iyo madaxda Xukuumadda Somaliland inay baal marayaan inay dabaqaan ku dhaqanka Xeer Madaniga sida uu dhigayo Xeerka Saxaafaddu, kaasoo jidaynaya in loo raaco qoddobada 167, 218 iyo 219, kuwaas oo si cad ugu jidaynaya Garsoorku inay u raacaan Mag-dhawga la saarayo Suxufiyiinta danbiga lagu soo eedeeyey lagu helo.

Mudadii ay Dacwadahan yaaleen Garsoorka oo gaadhaysa lixdii bilood ee ugu danbeeyey Xafiiska Xeer ilaliyaha Guud waxa uu si cad u diiday Dacwad ka dhan ah wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, kaasoo dhibta ka soo gaadhay qafaalasho iyo Garaacis ay wasiirka iyo ilaaladiisu kula kaceen u gudbiyey, isagoo dhibanuhuhu u maray qoddobka 17aad ee xeerka Habka Ciqaabta iyo qodobka 64(8) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya in loo gudbiyo Xeer ilaaliyaha Guud.

Hase yeeshee, Cabashadaas uu si toos ah u diiday Xeer ilaaliyuhu isagoo ku riixay Maxkamadda. Balse markii ay Maxkamaddu ka ogolaatay dhibanaha Cabashadiisa,  hadana mar kale xafiiska Xeer ilaalintu hor istaagtay Baadhsitii ay Maxkamadda Gobolku Amartay, iyaga oo illaa hada aan sheegin wax sabab ah oo ay ku diidan yihiin cabashada wariye C/fataax Ismaaciil Caarshe.

Dhacdooyinkaas kor ku xusan Ururka SOLJA waxa uu u arkaa kuwo ka dhan ah Suxufiyiinta, isla markaana Xafiiska Xeer ilaalintu ugu badheedhayo in uu u adeego oo kali ah masuuliyiinta qaranka xilalka u haysa, muwaadiniinta uu masuulka ka yahay-na kula kacaya cadaalad darro ama dhex dhexaadnimo la’aan.

Ururka SOLJA waxa uu u soo dhaweynayaa hoos u dhaca ku yimi in xadhigii suxufiyiinta, balse ay illaa hada jiraan falal ay masuuliyiinta qaarkood kula kacayaan Suxufiyiinta, iyaga oo aan tixgalin Heshiiskii  Saxaafadda, Garsoorka iyo Xukuumaddu ku gaadheen in aan wariye la xidhin iyada oo aan loo marin Nidaamka xeerka Saxaafadda qoddobkiisa 8aad jidaynayo, talaabooyinkaas oo ay laba wariye ugu xidhan yihiin magaaladda Borama, iyada oon illaa hada Maxkamad la horkeenin.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inay dib u eegto kiisaska ka dhanka ah Suxufiyiinta, isla markaana ay ka hortagto sumcad xumada ay dalka ku keeni karaan, iyadoo ururku uu diyaar u yahay dariiq kasta oo lagu xalin karo Kiisaska Suxufiyiinta ama ay aqbasho Dacwadaha ka dhanka ah masuuliyiinta uu magacaabay ee xilalka Qaranka ka haya.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Maxamuud Cabdi Jaamac

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.