Ururka dhalinyara degmada gacan libaax ee caasimada hargaysa ee TALO WADAAG ayaa waxay taageero balaadhan la garab istaageen wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland mudane MAXAMED IBRAAHIIM AADAN ( QABYO TIRE ).

0

Hargeysa(Sayruuq)-Ururka dhalinyara degmada gacan libaax ee caasimada hargaysa ee TALO WADAAG ayaa waxay taageero balaadhan la garab istaageen wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland mudane MAXAMED IBRAAHIIM AADAN ( QABYO TIRE ).

Ururkan oo ka hawl gala gobolka maroodi jeex gaar ahaan degmada gacan libaax ayaa sheegay in wasiir qabyo tire uu wax badan u qabtay qaranka somaliland marki uu ahaa badhasaabka gobolka togdheer iyo isago imika ah wasiirka qorshaynta.

Waxayna sheegeen in ay ku hambalyeynayaan dadaalka u ugu jiro inuu horumariyo dalka iyo dadka uu xilka u hayo.

Waxana sida yidhi gudoomiyaha ururka TALO WADAAG mudane CABDI KARIIM MUSTAFE IBRAAHIIM ( CABDI KARIIM JEEGO ) oo hadalkiisa si wata ayaa wuxu inta raaciyey in wasiir QABYO TIRE uu yahay wasiir qaran oo ka mida wasiirada tirada yar ee qarankani nasiibka u helay waana wasiir karti iyo dadaal badan oo meel kasto uu joogo aad looga jeclaado oo dadweynuhu soo dhaweeyo waxana markhaati laga wada ahaa gudo iyo dibadba si ay u jeclaayeen dadka ku dhaqan gobolka togdheer ugana xumadeen marki laga so wareejiyey, ee ay jecleysanayeen inuu si ahaado masuulkooda.

sida si leegna ay bulshada ku dhaqan caasimada hargaysi u jecel yihiin uguna qanacsan yihiin waxtarkiisa oo ayna taageero balaadhana u hayaan dhaliyaradu gaar ahaan dhalinyarada ku dhaqan degmooyinka gacan libaax iyo 26 juun .

Waxa kale oo sheegay inuu kaalin weyn kaga jiro xisbul xaakimka talada dalka haya oo ku leeyahay miisaan taageerayaal aad u balaadhan oo kaalin xoog leh ka qaadanaya doorashada madaxweyne ee dalkeena kusoo food leh bilaha soo socda insha allah.

Waxanu hadalkiisa ku so gabagabeeyey in dhawaan ay gudoonsiin doonaan shahaado sharaf ay ku maamuusayaan wasiirka.

ALLA MAHAD LEH URURKA DHALINYADA EE TALO WADAAG.

Cabdi kariim mustafe ibraahiim ( GUDOOMIYE )
Mowliid cabdi daa,uud. ( GUDOOMIYE KU XIGEEN )
Ismaaciil cabdilaahi dalmar. ( AF HAYEEN )

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.