Urur Diimeedkii Isku Magacaabay Al-Saadicuun Bil-Xaq Oo Hargeysa Ka Hillaacay, Hal Wiig Gudahoodna Lagaga Wada Dhawaaqay Hargeysa, Muqdisho, Garoowe Iyo Gaalkacayo Iyo Halista Kooxdan

0

aariikhda Ururkan, Goobaha Lagaga Dhawaaqay, Cidda Ku Dhawaaqday Iyo Ujeedooyinkooda + Magacyada Soomaalida Ku Jirta Ee Badka Is Keenay

Hargeysa (Sayruuq)- Kadib markii waddanka Masar 2-dii Bishan April oo ahayd wiiggii hore si rasmi ah looga shaaciyey Urur Diimeedka cusub ee Al-saadicuun Bil-Xaq waxa mar kali ah hanqalka la soo kacay kooxo ururkan ku abtirsada oo is gaabinayay kuwaasi oo qaarkood si cad daaha uga qaadeen taageeradooda iyo sida ay ula dhacsan yihiin ugana tirsan yihiin ururkaasi kuwaasi oo wadaado ka mid ahi ay ka soo jeedaan Somaliland iyaga oo Hargeysa si rasmi ah ugaga taageeray ururkaasi kadib markii ay bayaan ka soo saareen.
Ururkan oo la sheegay in uu Amiir u yahay Mustafa Kaamil Maxamed oo ah wadaad Masri ah ayaa markii bayaankiisii ugu horreeyey la shaaciyey waxa isla laba maalmood kadib oo ku beegnayd 5-tii Bishan April oo ku beegnayd maalintii Arbacada waxa caasimadda Hargeysa ee Somaliland kooxdaasi ka taageeray wadaado qaar ka mid ahi macallimiin ka yihiin Jaamacadaha Hargeysa iyo Beder. Waxa sidoo kale isla maalintaasi bayaankaasi taageerada ah laga soo jeediyey magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya oo kala ah Muqdisho, Garoowe iyo Gaalkacayo iyada oo dad badani walaac ka muujiyeen ururkaasi isku sheegay kuwa aan xaqa la gabban oo sida cad ku abtirsada kooxda Takfiirka loo yaqaano.
Inkasta oo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland isla markiiba ka hadlay wadaadadaasi hanqalka lasoo kacay oo ay ku sheegeen mid mamnuuc ah oo deegaamadooda ay kala dagaalami doonaan kana hor iman doonaan haddana wali waxa aan arrinka wadaadadan ka hadal xukuumadda Somaliland.
kooxda hargeysa
Al-Saadicuun Bil-Xaq (The proclaimers of the Truth) waxa taageeray Koox magaalada Hargeysa ka sheegtay inay taageersanyihiin Asaaciduuna bil xaq kooxda la baxday oo u badan macallimiin ayaa waxa hormuudkooda ku jira Dr. Daahir Jaamac Cali oo ku dhashay degmada Saylac jaamacadii Ummada ee Muqdishona ka qaatay culuumta daraasaadaka Islaamka, sannadkii 1992kii ayuu machadka Khartoum ka qaatay Master culuumta luuqada carabiga ah. Dr Daahir Jaamac Cali waxa uu sannadkii 2015 jaamacadda Niiileyn ee Suudaan ka diyaariyey shahaada sare ee PHD taasi oo uu ku qaatay Manaahijta (Curriculum). Muqdisho ayuu ka ahaa macallin aad looga yaqaano isaga oo sannadkii 2007 dagaaaladii Muqdisho ka dhacay uga soo wareegay dhinaca magaalada Hargeysa waxa uu macallin hadda ka yahay muddo Jaamacada Hargeysa qaybta Daraasaadka islaamka iyo sidoo kale jaamacadda Badar ee gaarka loo leeyahay kuna taalla Hargeysa oo uu ka dhigo hadda duruusta la xidhiidha Tarbiyada. Sidoo kale Dr. Daahir Jaamac Cali ayaa ka tirsan maamulka qaybta waxbarashada ee Hay’adda Qarnul Ifriiqi ee uu maamulka ka yahay Sheekh Maxamed Cali Geeddi.
Mustafa Kaamil Maxamed oo ah wadaad u dhashay waddanka Masar ayaa ku dhawaaqay kooxdan cusub oo uu madax ama amiir u yahay, Kooxdan ayaa loogu wanqalay magaca ama kuwa aan xaqa la gaban, Mustafa Kaamil ayaa goobtii lagaga dhawaaqay kooxdan waxa uu ka akhriyey war-murtiyeed ku saabsan Jamaacaddan iyo waxa ay tahay, waxa joogay goobta xubno kamid ah madaxda iyo hoggaanka kooxda, kuwaas oo ka soo kala jeeday waddamo kala duwan. Ku dhawaaqiddii kooxdan ayaa waxa laga jeediyey laba war-murtiyeed oo is-dabajoogay, kuwaas oo ku saabsanaa aragtida jamaacadan, habka ay u sameysan tahay, sida ay u dhaqmi doonto iyo qaabka ay u ekaan doonto Mustaqbalka. War-murtiyeedka jamaacadan ayaa lagu sheegay in ay kooxdu tahay mid caalami ah, xarunteeduna tahay waddanka Masar, halka laamana ay ku leedahay waddamo badan oo Carab iyo Afrikaanba leh, waddamadaas lagu sheegay bayaanka waxaa kamid ah Somaliland iyo Soomaaliya. War-murtiyeedka asaaska ee jamaacadan ayaa lagu sheegay in kooxdani ay u kuur-galaysay sannado badan iyada oo aan ismuujin xaaladda dadka Muslimiinta ah illaa sannadkii 1974-tii, muddo hadda laga joogo 43 sano. Mustafa Kaamil, madaxa kooxdan ayaa sheegay in waxyaabaha ay arkayaan kuwa ay maqlayaan iyo xaaladda ay dadka Muslimiinta ah ay ku nool yihiin ay ku dhiirri gelisay ku dhawaaqidda jamaacadan isku magacowday kuwa aan xaqa la ganban, Kooxdan ayaa sheegtay in ay weydiisanayaan ummadda in ay dib u soo laabato, ayna islaamnimadeeda shaaca ka qaado mar kalana cusbooneysiiso. Hab-dhaqanka gaalaysiinta inta kale (Takfiir) oo soo jiray muddo dheer ayaa ka dhexmuuqda war-murtiyeedka kooxdan marka la eego habka ay ugu tiirsan tahay aragtida Khuddubiya, oo qabta in bulshadu tahay Jaahiliin iyo Gaalo, sidaas awgeedna ay tahay in ay dib ugu soo laabato Islaamka oo ay shaaca ka qaaddo islaamnimadeeda. Habka ay kooxdani u dhisantay waxa uu ka duwan yahay hababkii ay u dhismi jireen jamaacooyinka ama kooxaha kale.
Kooxdan, ama kuwa aan xaqa la ganban (Al-saadicuun Bil-Xaq) ma aqoonsana kooxaha kale iyo manhajkoodaba, sidaas oo ay tahayna waxa ay ku sheegeen war-murtiyeedkooda in aanay adeegsan doonin dagaal iyo Rabshad si ay u hirgeliyaan aragtidooda diineed. Kooxadani waxa ay ka kooban tahay hoggaamiyeyaal iyo aqoon yahano caan ka ah Masar, sida ka muuqatay muuqaalka ay baahisay kooxdu, waxa kamid ah Mustafa Kaamil Maxamed, oo u dhashay Masar, sidaas oo kale waxa kujira shaqsiyaad u dhashay waddamo kale sida Masar, oo ah kuwa ugu badan, Liibiya, Kuwayt iyo Soomaalida.
Dhinaca Soomaalida waxaa ku jira Liiska xubnaha iyo hoggaamiyeyaasha, kooxdan; الصادعون بالحق, dhowr qof oo ay kamid yihiin:
1. Dr. Cismaan C/laahi Rooble; oo todobaatameeyadii kamid ahaa dhaqdhaqaaqii Al-Ahli ee Soomaaliya, ahna aqoon yahan
2. Bashiir Sheekh Maxamed Cabdi, oo ah ganacsade, kana mid ahaa raga ugu firfricoonaa ee xarakadii Al-ahli ee Soomaaliya.
3. C/laahi Sheekhdoon Cabdi
4. Dr. Cabdiraxmaan Sheekh
5. Dr. Axmed Yuusuf Hiraabe
6. Dr Daahir Jaamac Cali
Iyo kale oo badan. Sida lagu qoray barta internetka ee http://www.alghad.tv/[1] ; saddexda nin ee sare waxa ay kamid ahaayeen koox takfiir ah, ama inta kale gaalnimo u aragto, taaas oo Soomaaliya ka jirtay todobaatameeyadii. Waxa ay kamid ahaayeen saddexduba qunyarsocodka Jamaacada Takfiirka Soomaalida, habka ay dacwada iyo baaqa u yeedhidda dadkana sida ay qabaan u wadeenna ma ahayn mid muuqda sida garabka kale ee Jamaacada Takfiirka ah, oo caan ku ah garabka Maxamuud Nuur, kaas oo hadda xarun ku leh magaalada Qardho ee gobolka Waqooyi Bari dalkaasi aynu jaarka nahay ee Sooomaaliya. Dr: Kamaal Xabiib; oo wax ka qora dhaqdhaqaaqyada kooxaha Islaamka ee Dunida ayaa sheegay kadib ku dhawaaqiddii kooxdan iyo manhajka jamaacadan kuwa aan xaqa la gaban uu yahay Fikirkii Qudubi, oo uu u la jeedo aragtidii Sayid Quddub kaas oo u arkayey xukunka iyo xeerdejinta laamaha dowladdu in ay xad-gudub ku yihiin Sharciga Alle, sidaas awgeed xeerdejin walba oo Baarlamaanku sameeyo noocii ay doonto ha ahaatee waxa ay u la muuqatay ku xadgudub lagu sameynayo xaqa rabbi ee xeer-dejineed. Aragtidan ayaa qabtay in sida ay aaminsan yihiin kooxahii aaminsanaa in dib u islaaminta ummadda loomaro laba heer, iyada oo la raacayo habkii uu islaamku ku gaadhay in mar uu adduunka oo dhan ka noqdo awood muuqata oo laga hibeysto, sida in lagu billaabo heer lamid ah kii nabiga adeegsaday markii uu joogay magaalada Maka, taas oo ku dhisnayad aragtida gacmo-laabashada. Taas oo ah in dacwada iyo ugu yeedhidda islaamka u socoto hab ku kooban inta ogol, iyada oo la filay in la gaadhayo heer kor loogu dhawaaqo, taas oo ku xidhan awoodda iyo xoogga la helo. Xukuumadda Somaliland iyo Ta Soomaaliya iyo wasaaradaha u qaabilsan wax war ah weli kama soo saarin ururkan balse Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa isagu khamiistii shirkoodii Golaha Wasiirrada si cad u sheegay in ururkaasi mamnuuc ka yahay deegaamadooda una aqoonsan yihiin mid takfiir ah oo halis ku ah caqiidada dadkooda.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.