“UK Ma Aqoonsana Gooni Isu Taagga Somaliland..”

0
“UK Ma Aqoonsana Gooni Isu Taagga Somaliland..”

“UK Ma Aqoonsana Gooni Isu Taagga Somaliland..”
Muqdisho(Sayruuq) Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Amb Ben Fender ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya yahay arrin u taalla Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana ay ka dhur-sugayaan wada hadallada iyo waxa ay ka yeelaan waddamada derisku.

Danjiraha cusub ee Ingiriiska oo telefishanka Goobjoog waraysi siinayay ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin mawqifka Ingiriiska ee ku aaddan Somaliland waxaana la waydiiyay mawqifka xilligan ee UK maaddaama masuuliyiin sare oo Ingiriis ahi bookhdeen Somaliland “Waxaan ogahay in aanay waxba iska bedelin mawqifkayaga Somaliland, Ingiriiskuna ma aqoonsana gooni isu taagga Somaliland ku dhawaaqday umana aragto dal madax bannaan,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Fender.

Waxa kale oo uu sheegay in arrintani u taallo Somaliland iyo Soomaaliya “Arrinta Somaliland waxay u taalla in ay go’aan ka gaadhan Soomaaliya iyo Somaliland mana aha mid u taalla Ingiriiska oo kale, run ahaantiina waa in ay door ku yeeshaan waddamada gobolku, islamarkaana ay aqoonsadaan natiijada ka soo baxda anaguna waxaanu soo dhaweynayna horumar kasta oo arrintan laga gaadho iyo weliba xidhiidh kasta oo dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Ben Fender.
Wasiirka Gaashaandhigga UK Oo Hargeysa Yimid

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.