Ujeeddada Shir Aqlabiyadda Guddiga Fulinta KULMIYE Xalay Ku Yeesheen Hargeysa, Didmada Hoggaanka Xisbiga iyo Kulan Maanta Saylici ku dhex-dhexaadinayo Musharrixiinta Jagada Madaxweyne-nimo

0

Hargeysa(Sayruuq)-Ifafaalaha Khilaaf Cakiran oo laga cabsi qabo inuu Xisbiga KULMIYE ka dhex-qarxo iyo filashado kulan Saylici Maanta ku dhex-dhexaadinayo Musharrixiinta Xisbiga.

“Waxa dhinacyo Xisbiga ka mid ahi Suuqa marinayaan dad cusub oo la keenay iyo liis cusub oo Golaha dhexe ah, laakiin Liiska Golaha dhexe Muuse Biixi iska daayoo Siilaanyo hal qof kama beddeli karo…” Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee KULMIYE

:-Khilaaf Cakiran oo laga shaki qabo inuu fashiln karo ama wakhtiga qabashada Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee 10-ka bisha soo socota loo muddeeyey dib u dhigo, ayaa ka dhex-taagan Musharrixiinta jagada Madaxweynaha u taagan ee Xisbigaas, sida uu iftiimiyey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.

 

 

Maxamed Kaahin waxa uu Musharrixiinta tartanka kula jira Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey inay ku hawlan yihiin sidii ay u fashilin lahaayeen qabashada shirka Golaha dhexe iyo inuu dib uga dhaco xilliga loo cayimay ee 10-ka bisha November 2015-ka. Waxaanu sheegay in Guddoomiyuhu Awood sharci u leeyahay diyaarinta hawlaha Shirka Golaha dhexe oo aanay sharci ahayn in Guddi qaban-qaabo loo magacaabo sida Shirweynaha Xisbiga oo kale.

musharrixiinHase-yeeshee, Aqlabiyadda Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE, ayaa kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Hargeysa kaga wada-tashaday xaaladaha socda ee Xisbiga iyo duruufaha uu wejihi karo Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaasi, ka dib markii ay kalsooni-darro ka muujiyeen sida la sheegay awoodaha Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo haddana laftiisu Musharrax Madaxweyne u taagan, waxaana la sheegay inay gorfayn, dood dheer iyo falanqayn saacada qaadatay oo dhex-maray Xubnaha Shirkan ay isku tuseen sida loogu baahan yahay ee ay lagama maarmaanka u tahay in la sameeyo Guddi qaban-qaabisa Shirka Golaha dhexe oo loo muddeeyey tobanka bisha soo socota ee November.

Inkasta oo aanay Saxaafadda la hadal Xubnaha Guddiga Fulinta ee KULMIYE iyo weliba Musharrixiinta kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo Shirkaas joogay, haddana sida ay ila-wareedyo si dhaw ula socday waxyaabaha shirkaas lagaga hadlay u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo, waxa intii shirku socday la soo hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka, ahna Ku-Simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo la sheegay inay saddexda Musharrax ee Samaale, Kijaandhe iyo Wasiir Biixi cabasho hawlaha Shirka la xidhiidha u gudbiyeen gelinkii hore ee shalay oo ay kulan gaar ah la yeesheen Saylici sida la sheegay.

Cabashadaas ay Musharrixiinta shaaciyey inay u taagan yihiin inay u tartamaan Jagada Madaxweynaha ee KULMIYE u gudbiyeen Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa salka ku haysa Liiska Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas oo la sheegay inay sheegeen in Guddoomiye Muuse Biixi Gacanta ugu jiro iyo sidoo kale diyaarinta shirka oo aanay wadin Guddi ka madax-bannaan Guddoomiyaha, sidaas awgeedna aanay u muuqan madax-bannaanida Shirka Golaha dhexe maaddaama oo hawshiisu ku ururtay Musharrax tartan ka dhexeeyo.

Sidaa awgeed, waxay ila-wareedyada uu Wargeyska Himilo soo xigtay tibaaxeen oo ay intaas ku dareen in Madaxweyne Ku-xigeenku u ballan-qaaday inuu xalay ahaan la soo hadli doono, isla markaana iyadoo shirka xalay ka dhacay Hargeysa Musharrixiintaas iyo Aqlabiyadda Guddiga fulintu ku guda-jira uu la soo hadlay Cabdiraxmaan-Saylici, isla markaana u sheegay in maanta ahaan kulan laga yeelan doona arrinta cabashadoodu la xidhiidho. “Arrintiinna berri baynu galaynaa, markaa dhiniciinna xubno ka soo saara, dhinaca kalena waan u yeedhayaa oo xubno ayey soo saarayaan.” Sidaa ayaa la soo wariyey inuu Saylici Taleefan uga soo sheegay saddexda Musharrax oo shirkaas ku jira.

“Markaa, Berri (Khamiista Maanta), inay Xubnaha labada dhinac iska xulaan iyo isaga oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka yeelan doonaan kulan arrimahaas lagaga wadahadlo, ayuu Taleefanka uga sheegay Cabdiraxmaan-Saylici. Laakiin, waxay is-weydiintu tahay maaddaama oo uu Saylici Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen Muuse Biixi ugu sharraxan yahay oo uu dhinacaas la safan yahay sida uu dhex-dhexaad ugu noqon karo labada dhinac, siday wax u dhacaanna waynu eegi.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE ee shirkaas xalay joogay oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey arrintan, balse ka cudur-daartay in magiciisa la shaaciyo. Waxaanu warku intaas ku daray in Xubnaha Guddiga ah ee Garabka Xalay shiray u xuleen inay u metalaan kulanka maanta kala yihiin sida Himilo xogtan ku helay Wasiirka arrimaha dibedda Musharrax Maxamed Biixi Yoonis, Musharrax Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Musharrax Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Haddba, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo shalay Hadal ka jeediyey Munaasibad ay Xubno Golaha dhexe ee KULMIYE ugu jira Beesha Arab ku shaaciyeen inay Musharraxnimada Muuse Biixi taageersan yihiin, ayaa si faahfaahsan dhinacooda arrintaas saluugga Musharrixiinta kale uga hadlay, waxaanu yidhi; “Waxa dhinacyo xisbiga ka mid ahi suuqa marinayaan dad cusub oo la keenay iyo liis cusub oo golaha dhexe ah, laakiin liiska Golaha dhexe ee ay saxeexeen Guddigii uu Wasiir Cadami Guddoomiyaha u ahaa wuu wada saxeexan yahay oo Muuse Biixi iska daayoo Siilaanyo hal qof kama beddeli karo, waayo? waxa uu yaalaa Maxkamadda sare, xeer ilaalinta iyo guddiga ururrada iyo xisbiyada, weliba marka aanu shirka qabsanno guddiga ururradu way soo fadhiisanayaan waxayna nala xaadirinaysaa liiska golaha dhexe oo ay sitaan.”

“Malaha Saaxiibbadayo kalsoonidoodii ayaa ka soo ururtay oo waxa la doonayaa meel muran laga abuuro. Saaxiibbadayada leh waxa la samaystay liis kale (oo Golaha dhexe ah) waxaan leeyahay liiskani waakii ay annaga noo samaysteen, kii annaga la noo samaystay ee la doonayey in daaqadda lanagaga tuuro ayay iyagu ka cabanayaan, waxaanu leenahay kii haddaad cid ka waydo oo daaqadda lagaa tuurayo xamil.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Waxa uu Maxamed Kaahin ku duray Musharrixiinta Muuse Biixi la tartamayaa haddii ay codka golaha dhexe waayaan inay qaarkood ka bixi doonaan Xisbiga, balse uu ku kalsoon yahay haddii Muuse laga guulaysto inuu KULMIYE sii ahaan doono, isagoo xusay in Wasiiro xilka laga qaaday hore uga baxeen, kuwo immika laga qaadaana ka bixi doonaan, waxaanu yidhi; “..Kuwo doorashada laga helaana way ka baxayaan, laakiin anigu waxaan ku kalsoonahay ina Biixi haddii laga helo inaanu ka baxayn xisbiga KULMIYE, haddii aniga la iga beddelo Guddoomiye ku xigeenkana ka bixi maayo.”

“Immika waxa Suuqa ku jira warar odhanaya Shirkaannu khalkhalinaynaa oo Ergo kale ayaynu keenaynaa oo Guddiyo kale ayaynu samaynaynaa, waxaan leeyahay Xisbiga ha innaga burburinina, waayo? inna Biixi haddaan ILLAAHAY u qorinna agtiisa mari mayso, kuwo kale ee Musharrixiinta ahna haddaan ILLAAHAY u qorin agtooda mari mayso, hadduu ILLAAHAY u qoray ina Biixi-na ILLAAHAY baa u qoray, markaa midnimada xisbiga ayaynu ilaalinaynaa, tartan nadiifa ayaynu galaynaa, sharciyadda xisbiga ayaynu ilaalinaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo markii u dambeysay loo muddeeyey tobanka bisha soo socota, ayaa marar badan oo muddo laba sano ah kolba dib uga dhacayey wakhtigiisa, waxaana haddii xaaladaha hadda dhinacyada hanka leh iyo hoggaanka KULMIYE isku diiddan yihiin wakhtigan uu sii xoogayso oo aan xal laga gaadhi dhici karta in shirkaasi tobanka November 2015-ka dib uga dhaco, heerka loollanka Xisbiga dhexdiisa ka taagan oo meel sare maraya dartiis.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.