Uhuru Kenyatta Oo La Kulmay Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Bishii Ramadaan Lugeeyay Kun Kilomitir(1000KM)+Sawirro

0

Nairobi(Sayruuq)-Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa qaabilay dhalinyaro bishii Ramadaan lugeeyay Kun Kilomitir, kaasi oo ay uga dan lahaayeen sidii dadka loogu wacyi galin lahaa midnimada iyo nabada maadaama gobolkaasi Soomaalidu degto ee Waqooyi bari Kenya uu ragaadiyay ammaan darro kadib markii Al-shabaab ka fulisay weeraro badan oo Kenya ka dhan ah.

 

Kooxda Al-shabaab ayaa gobolkaasi ka fulisay weerraro badan oo ay dadka u kala saareen Muslim iyo masiixiyiin kadibna ay dilaan inta Masiixiyiinta ah, taas oo sababtay in dadka dhakhaatiirta, macalimiinta iyo xirfad yahannada kaleba ka cararaan gobolkaasi.

 

Madaxweyne  Uhuru Kenyatta, ayaa dhammaadka socdaal lagu magacaabay Jidka rajada la kulmay dhallintaasi.dhalinta ayaa socdaalkooda lugta ah ku marayay degaannada u dhexeeya Gaarrisa ilaa Mandheera islamarkaana ay dadka wacyi galinayeen.

 

Waxaan ammaanayaa dhalinyarada ka timid Waqooyi bari Kenya oo lugeeyay ku dhawaad kun Kilomitir,iyagoo bulshada ku wacyi galinaya midnimada iyo nabadda.maanta waxaan la kulmay saddex nin oo ka mid ah dhalinyaradaas dhammaystay socdaalka “Jidka Rajada”(1000 Killometres). Dhalinyaradan la kulmay ayaa ah Nuuradin Baadil Tuube, Axmednuur Saalax Maxamuud iyo Saalax Maxamed Cabdinuur,kuwaas oo socday Gaarrisa ilaa Mandheera, intii lagu gudo jiray bishii Ramadaan iyagoo sooman,” ayuu yidhi Uhuru oo Salaasaddii qaabilay dhalintaasi.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhalintan Soomaalida ahi tusaale u tahay guud ahaan dhalinta Kenya “Dhalinyarada waqooyi bari waxay tusaale fiican u yihiin oo dhiiri galinayaan dhalinyarada dalka oo dhan, si ay safka hore uga galaan xalka loo raadinayo caqbadaha dalka ka jira ee ay ka mid yihiin ammaan darrada. Dhalinyaradu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan xoojinta midnimada dalka iyo kor u qaadista ammaanka.

 

Mr Uhurur, waxa uu intaasi raaciyay “Horumarka Kenya wuxuu ku xidhan yahay midnimadeena, qof kasta oo inaga mid ahina wuxuu ka qaadanayaa qayb.si aynu taas u samayno waa inaynu ka fogaanno qabyaaladda iyo xumaanta qoomiyadaha”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in dhalinyaradani qayb ka noqon doonto xal u helista dhibaatooyinka ka jira gobolka waqooyi bari “Dhalinyaradan waxaa loo fududayn doonaa inay si buuxda uga qayb qaataan Miiska lagaga wada hadlayo caqabadaha uu wajahayo gobolka waqooyi bari” ayuu yidhi Uhuru.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.