Uhuru Kenyatta Kenya Oo Saxeexay Xeerka Argagixisada Ka Dhanka Ah Oo Saamayntiisa Laga Digay

0

Nairobi(Sayruuq)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa saxeexay Sharciga amaanka lagu xoojinayo ee la dagaalanka Argagixisada. Sharcigan ayaa shalay laga ansixiyay Baarlamaanka ka dib muran xooggan oo mucaaradka iyo muxaafadka dhex maray ka dibna loo gudbiyay Madaxweynaha.

Xeerka Uhuru Kenyatta ansixiyay Jimcahan ayaa wejehaya eedaymo xooggan oo kaga imanaya Mucaaradka Kenya, Ururada Xuquuqal Iisaanka iyo reer Galbeedka, kuwaasi oo ku doodaya inuu jabinayo Xeerarka Kenya dhibna uu ku yahay Xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda Bulshada.

Xeerkan ayaa Xukumadda Awood u siinaya in wakhti badan Maxakamad la’aan lagu hayn karo dadka loo haysto tuhunnada falal argagixiso, iyadoo Caddayn maxakameed la’aanteed la hayn karo tuhmaneyaasha ku dhawaad sanad. Waxa kale oo uu awood u siinayaa in la dhegaysan karo Telefoonada cidkasta oo la tuhunsan yahay. Xeerka ayaa sidoo kale cabudhinaya Saxaafadda islamarkaana xaddidaya ka waramida Arimaha la xidhiidha dhibbaneyaasha Argagixisada.

Bayaan ay wada jir u soo saareen Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska ayay kaga digeen Saamaynta xeerkani uu yeelan doono, iyagoo tilmaamay inay muhiim tahay in la dhawro shuruucda amaanka xoojinaysa ee tixgalinaysa Xuquuqda aadanaha islamarkaana u hogaansan waajibaadada Caalamiga ah “Ilaalinta  dastuurkaKenya,dhawritaankaxuquuqda madaniga ah iyo dimuqraadiyadda waxay ka mid tahay siyaabaha ugu wax ku oolsan eeay u xoojin karaanammaanka” ayaa lagu yidhi Bayaanka.

Xeerkan oo Khamiistii laga ansixiyay Baarlamaanka Kenya ayaa muran xooggani kala dhex galay Mudaneyaasha, kaasi oo gaadhay gacan ka hadal in waraaqaha la daadiyo Shir gudoonkana lagu tuuro Buugaag iyo waraaqaha Xeerka.

Amaan darada ka taagan Kenya iyo Weerarada Al-shabaab ka gaysato Kenya ayaa soo dedejiyay Ansixinta Xeerkan ka dib markii amaan daro xooggani soo wajahday Kenya tan iyo 2011-kii oo ay Ciidamadooda u direen gudaha Somalia.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.