“Turkigu waa dawlada wayn waana Dawlada islaam Ah inaga wax yar ayuu inoo qabtay dawlada somaliyana Mashruucyo badan ayaa uu ka Hir Galiyay” Gudomiye Xigeenka Labaad Ee Wakiiladda JSL

0

Hargaysa(Sayruuq)- Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada somaliland Cali Yuusuf Axmed Ayaa si Cilmiyaysan uga hadlay wada hadalka u socda Labada dal iyo Bookhashada uu ku yimid Dalka Somaliya Madaxwayna dalka Turkiga oo Hogaaminayay Wada hadalka Labada dawlada.

waxa uu ka waramay inuu dhex-dhexaad ka yahay Madaxwayne turkiga Wada hadalka somaliland iyo somaliya isaga oo sheegay inuu turkigu Caawimada u badiyo dalka somaliya,Balse somaliland waxa uu sheegay inaanay ku noqonayn riyadii Fashilantay ee somali wayn.

Madaxwaynaha somaliland Cali Yuusuf Axmed Waxa uu ku sifeeyay Madaxwayne U taagan inuu Horumariyo Qadiyada somaliland iyo sidii Xamaanta ay u kala Kuran Lahayeen Dawlada somaliya iyo Somaliland,urur Goboleedka Igadna waxa uu ku tilmaamay Qaar ka Soo Horjeeda Horumarka Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka Golaha wakiilada somaliland Cali Yuusuf Axmed Ayaa sidaas ku sheegay Mar uu maanta u waramayay warbaahinta Madaxa Banaan ee somaliland waxaana uu yidhi.

cawil

“Hortu dawlada Waliba Xor ayay u tahay Cida ay wax siinayso Somaliyana Hanoqotee Waanu u hanaynaynaa,Lakiin wax iska badalay wada hadalkii u socday somaliland iyo somaliya Majiraan inagu halkii Aynu ku goosanay ayaynu wali taaganahay,qadiyadeenuna Maaha in aynu Somaliya ku biirno Lakiin waxa weeyaan in aynu Goosano,dalalka kala Go’a Faa’ido ayaa ku jirta somaliland ayaa markii hore doonaysay in ay la Midoobaan Shantii Soamliyeed Lakiin Taas Markii lawaayay Somaliland Xorimadii ay Xamar Gaysay way kala Soo noqotay Aqoonsina Way doonaysaa.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada somaliland Cali Yuusuf Axmed Oo Hadalkiis Siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.

“imika Hadii ay somaliya ina aqoonsato waxa aynu waayaynaa Majirto imika Qaramada Midoobay labadeenuba Cod Ayaynu ku yeelanaynaa oo laba dawladood oo somali ah ayaa aynu nahay Markaas wax inoo biro mooyaane waxba inaga Xumaan Mayaan,Imika Tusaale ahaa Dawladaha Carabta oo kalaa Marka Sucuudiga laga reebo inta Kale Hadii la isku geeyo Somaliland ayaa ka badan hadana mid kasta dhinaceeda ayay dawlada u tahay Markaas Waxaan leeyahay Somaliya Waxaanu nahay laba dawladood oo jaar ah.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Sida uu turkigu dhex uga Noqon Karo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya Madaama oo uu Markasta sheego inaanay Somaliyi Kala Go’ayn waxaana uu Guddoomiye sheegay isaga oo ka hadlaya.

“Turkigu waa dawlada wayn waana Dawlada islaam Ah inaga wax yar ayuu inoo qabtay dawlada somaliyana Mashruucyo badan ayaa uu ka Hir Galiyay,Markaas Marka uu leeyahay Somaliya Cilaqeed dheer ayaa Naga Dhaxeeya Somaliya Kama dhaxeeyaan ee Guryihiisii waxa ay ku yaaliin Berbera markaas Somaliland ayaa uu ka dhaxeeyaa,Lakiin Xamar meel asaartii turkigu kaga Yaaliin Majirto.

waxa uu intaas raaciyay”.Turkigu hadii uu doono Yaanu Dhex-dhexaadba ka Noqon Inaga Somaliland ahaan waanu Goosanay inta Qof inaga Nool yahayna Dawlada Jirta ayaynu noqonaynaa,Cid kasta hayna Dhexdhexaadiso lakiin Cid somaliya inagu daraysa Haba yaratee Majirto.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.