Turkiga Oo Khaati Ka Taagan Soomaalida Ku Qulqulaysa

0
Turkiga Oo Khaati Ka Taagan Soomaalida Ku Qulqulaysa

Turkiga Oo Khaati Ka Taagan Soomaalida Ku Qulqulaysa
Safiirka dalka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu cabasho u gudbiyay xafiiska ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo aqallada baarlamaanka isaga oo ka cabanaya masuuliyiin iyo xildhibaanno Soomaaliya ah oo maalin walba ka doonaya Fiiseyaal Turkiga lagu tagayo kuwaas oo ay si musuqmaasuq ah uga iibinayaan dad si sharci darro ah ku tagaya dalka Turkiga.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Somaliguardian waxa uu cabashadiisa ku sheegay danjiruhu xildhibaannada iyo masuuliyiinta xukumadda qaarkood in ay xasaaskooda ama ehelkooda ka dhigaan dad ay lacag qaali ah kaga iibinayaan fiiseyaasha ay u sameeyaan.

“Qaarkood waxay noo keeneen sideed dumar ah oo kala duwan sideed wakhti oo kala duwan iyaga oo ku andacoonaya waa xaaskaygii, waxaanu u sheegnay in aanay Diintu ogolayn afar xaas wax ka badan,” sidaas ayuu ku xusay cabashadiisa safiirku sida ay warisay Somaliguardian.

Cabashada ayaa lagu xusay ilaa 15 xildhibaan iyo masuuliyiin kale oo dawladda Somalia ka tirsan waxaana la sheegay in dadka dal ku galka loo samaynaya yihiin dad ku sii jeeda Yurub iyaga oo sii maraya Turkiga.

Arrintan ayaa sababtay in safaaradda Turkigu shirkad gaar ah ku wareejiso soo saarista fiisaha si ay uga baxaan meesha madaxda culayska saaraya safaaradda.

Source: Somaliguardian
Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.