Turkiga Oo Ka Xun Wada Hadallada Somaliland & Somalia Ee Switzerland Loo Wareejiyay

0
Turkiga Oo Ka Xun Wada Hadallada Somaliland & Somalia Ee Switzerland Loo Wareejiyay

Turkiga Oo Ka Xun Wada Hadallada Somaliland & Somalia Ee Switzerland Loo Wareejiyay

Dawlada Turkiga ayaa ka xumaatey in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee ay gacanta ku haysay laga wareejiyo oo loo gacan galiyo dawladda Switzerland ee carriga Yurub, waxaana sidaas wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyey warar xog ogaal ah .

Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Mr Hakan Cuvusoglu oo todobaadkan dhammaadey socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa kulan uu la yeeshay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu u sheegay in dawladdaTurkigu ay ka xumaatey in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya laga wareejiyo oo loo raro dalka Switzerland , waxaana uu intaas raaciyey Mr Hakan Cuuusoglu in dawlada Turkigu aaney jeclaysan talaabadaas , isaga oo aad ugu faanay taageerada ay dawlada Turkigu siiso Somaliya. Wuxuuse sheegay in uu hadana taageeraayo wax kasta oo wanaag keenaya kaas oo u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya

Sida ay wararkan uu helay Wargeyska Geeska Africa sheegeen madaxweyne Farmaajo ayaa isku difaacay inaan in Turkigu wada hadalka laga bedelo aaney ka imanin dhinaca dawladooda balse ay tahay mid ka timid dhinaca madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in uu diiday in uu Turkigu sii wado Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya .

Mr Farmaajo ayaa intaas sii raaciyey inuu ogyahay wuxuu ugu yeedhay ” Abaalka Turkiga ” isla markaana uu ugu mahad celinaayo laakiin uu sheegay in uu go,aansadey in uu aqbalo soo jeedinta dawlada Somaliland oo aheyd in wada hadalada laga wareejiyo dawlada Turkiga .

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ayaa isla qaatey in daba yaaqada bishan March ay kulan ku yeeshan dalka Jabuuti kadib na ay wada hadaladu ay si rasmi ah uga furmaan dalka Switzerland , waxaana labada madaxweyne ay wada hadaladii ka soo wareejiyeen dalka Turkiga oo isagu marti galin jiray.

Xigasho: Geeska Afrika

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.