Turkiga Oo Ka Hadlay Arrinta Somalia & Somaliland

0
Turkiga Oo Ka Hadlay Arrinta Somalia & Somaliland

Turkiga Oo Ka Hadlay Arrinta Somalia & Somaliland

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Mr Mevlut Cavusoglu ayaa Axaddii sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay taageerada Turkiga si looga hirgeliyo degenaansho siyaasadeed, dib loogu dhiso ciidamadeeda ammaanka loona abuuro jawi saamaxaya in horumar dhaqaale ka hano qaado.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan taageeridda Soomaaliya lagaga hadlayay oo ka dhacay caasimadda Qadar ayaa sheegay in ay waajibaadka umadda tahay in Soomaaliya la taageero iyada oo wixii khilaaf ah dhinac la iska dhigayo si kor loogu soo qaado meeqaamka Soomaaliya ee Dunida.
Filashadda Isku Shaandhayntii ugu balaadhnayd
Warbixin: Loolan Loogu Jiro Taliyaha Booliska Somaliland
Wasiirku waxa uu sheegay in Turkigu ka qayb qaato dhammaan dadaallada Soomaaliya wax lagu tarayo ee laga wado caalamka.
“Geelle Waa Cidda Kaliya Ee Somalia Inaga fardaamin Karta,” Somalia
Waxa uu waxqabadka Turkiga ee Soomaaliya ku daray wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkiga lagu qabtay “ Waxaanu door fududayn iyo dhexdhexaadin ah ku lahayn wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Mevlut Cavusoglu oo intaasi raaciyay in Soomaaliya doorashadeeda 2020 tahay mid ahmiyad leh oo jid horumar u horseedaysa Soomaaliya.
Somaliland Iyo Somalia Oo Jabuuti Ku Wada Hadlay
Dawladda Somaliland ayaa inta badan aamminsan in aanay dhexdhexaad ka ahayn dawladda Turkigu wada hadalka Muqdisho iyo Hargeysa waxaana muuqata in Turkigu waxqabadkiisa Soomaaliya ku daray arrinta wada hadallada.

Source:Somalia needs Turkey’s help: Turkish foreign minister

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.