Trump Oo Si adag U Maagay Dadkii Doortay Ilhan Cumar

0
Buug Shaaciyay Nacaybka Trump Soomaalida U Hayo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota weerar culus oo xagga afka ah ku qaaday Ilhaan Cabdullaahi Cumar, oo ah wakiilka aqalka Congress-ka ee gobolkaas laga soo doortay.

Trump, oo u muuqday inuu markan Ilhaan ku bartilmaameedsaday gobolka hoyga u ah gudihiisa, ayaa halkiisa kasii waday dhaliilaha uu u jeedinayo siyaasiyadda kasoo jeedda Soomaaliya.

Wuxuu dadka reer Minnesota ku canaantay sababta ay wali raalli uga yihiin inay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.

“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee la yiraahdo Ilhaan Cumar waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11 ee lagu soo qaaday waddankeenna, sided ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota, aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu yiri Trump.

BBCsomali

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.