Toggii dhimashada: Xasuuqii Somaliland Ee La Ilaabay

0
Toggii dhimashada: Xasuuqii Somaliland Ee La Ilaabay

Toggii dhimashada: Xasuuqii Somaliland Ee La Ilaabay
Ismail Einashe iyo Matt Kennard oo ah suxufiyiin ku xeel dheer baadhitaanka saxaafadda ayaa warbixin ku darsay sida loo ilaabay xasuuqii kali taliye Siyaad Barre u gaystay qaybo ka mid ah bulshada Somaliland. Warbixintan ay ku daabaceen wargeyska The Nation waxa lagu sheegay in dawladda Maraykanku door laxaad leh ku lahayd waxyeelladii naf iyo maalba lahayd ee loo gaystay bulshada Somaliland.

Warbixintan ciwaanka looga dhigay dooxii dhimashada iyo xasuuqii Somaliland ee la ilaaway waxa lagu soo qaaday laagta Malka Durduro oo ah meesha xuddunta u ahayd xasuuqa dhacay halkaas oo duleedka Hargeysa ahayd. Waxa halkaasi ilaa hadda daadku ka soo saara xabaalo wadareedyo waxaanay suxufiyiintu xuseen in dhallinyaro xilligan kubadda ku ag ciyaara goobtaasi aanay wax fikir ah ka haysan mushkiladihii ka dhici jiray 1988s.

“Intii u dhexeysay 1987 ilaa 1989 nidaamkii Siyaad Barre waxa uu xasuuqay laba boqol oo kun (200,000) oo qof oo bulshada Isaaq ah. Xilligaas qaybo ka mid ah beesha Isaaq waxay u halgamayeen madax bannaani si ay isaga dulqaadan haddidaadda, Siyaad Barre wuxuu isku dayay in uu dhammaantood xasuuqo. Hadda khubaradu waxay sheegayaan in 200 oo xabaalo wadareed ku yaallan Somaliland, inta ugu badan waa Togga Geerida(Malko-durduro),” Sidaas ayaa warbixinta lagu yidhi.

Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Maraykanku hub iyo lacag ba ku taageeraysay Siyaad Barre marka uu xasuuqayay bulshada Somaliland, isaga oo dhaafsanaya dano istaraatiyadeed maaddaama xilligaasi ay loolamayeen nidaamkii Ruushka, loona kala safna dagaalkii qabooba.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa wariyayaasha u sheegay in Maraykanku ku lug lahaa awooddii lagu waxyeeleeyay Somaliland “1988 markii dawladdu bilawday duqaynta Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, Maraykanku wuxuu runtii ahaa saaxiibka nidaamkii Siyaad Barre sababo la xidhiidha istaraatijiyad, waxaanay Siyaad Barre siinayeen hub, waxa hubka laga soo dejinayay dekedda Berbera, waxaana xilliyada ka warbixiyay Amnesty International iyo hay’addaha kale ee xuquuqal iisaanka,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.

Isaga oo yara aamusay ayuu hadalkiisa sii watay waxaanu yidhi “Maraykanku si toos ah uguma lug lahayn habdhaqanka bani’aadanimada ka baxsana ee lagula kacayay bulshada Somaliland laakiin, sida xulufo kale oo badanba samaynaysay gacanta way kula jireen arrinta.”

Warbixintu waxay sheegtay in Maraykanku kaalmaynta Siyaad Barres ii waday isaga oo og dhibta uu gaysanayo, sidoo kalena aanay jirin cid lala xisaabtamay dadkii dhibtaasi gaystay oo ay qaarkood xidhiidh dhaw la leeyihiin xukumadda Farmaajo ee beesha caalamku taageerto.

Halkan ka dheeho warbixinta The Nation
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.