Tiro Aad U Badan Oo Ka Tirsan Golaha Dhexe KULMIYE Iyo In Badan Oo Kamid Ah Kaadirka Xisbiga Oo Ka Soo Xaadirtay Xaflad Hadda Ka Socota Huteel Guuleed.+Sawiro

0

Hargaysa(Saayruuq)Waxa hadda si rasmi ah  uga socota Huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa Munaasibad ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen tiro badan oo ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE iyo in badan oo ka tirsan Kaadirka Xisbul Xaakimka.

kulmiye

Munaasibadan oo wakhtigii loo qorsheeyay dib uga dhacday kadib markuu joojiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Saylici ayaa dib u bilaabantay kadib markii uu wadahal ay la yeesheen Xubnaha Musharaxiintu uu ku soo fasaxay.

unnamed (2)

Munaasibadda oo hadda socota, waxaa sidoo kale soo camiray Saladiinta ugu magaca weyn dalka oo ay kamid yihiin,  Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaanka guud ee Beesha Arab, Suldaanka guud ee Beesha Subayr Awal, xubno kamid ah Culimada waa weyn ee dalka, Ganacsato iyo Tageerayaal ku abtirsada Xisbul Xaakimka KULMIYE.

 

Hadalada Masuuliyiinta oo wali socda kala soco Shabakada wararka ee Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.