Tiraba Sideed Wasiir Oo Guryo Dabaqyo Ah Dhistay Ayaanu Dhawaan Soo Bandhigaynaa” Gudoomiyaha Guddida Khayraadka Wakiilada

0

Hargeysa(Sayruuq) – Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inay dhawaan soo bandhigi doonaan siddeed wasiir oo guryo dabaqyo ah ka dhistay hantida qaranka.

Xildhibaanku waxa uu naqdiyay korodhka cashuuraha ee Xukumaddu kordhisay iyo Iibinta Hantida qaranka. Waxa uu sidoo kale dhaliilay Golaha wakiilada oo uu tilmaamay inuu wax walba iska ansixinayo.

“marka Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranku sheegay in musuq badani jiro waa ayaan daro in qaar ka mid ah Xildhibaanada habeenkii loo qaybiyo Caano, oo aan waxba la hagaajin, waana wax hortaagan Golaha Wakiilada, waxa la ii sheegay in Haamihii Shidaalku ay kordhiyeen Lacagtii ay ka qaadayeen Shidaalka, Xukuumaddani markii ay xilka la wareegtay Litirka Shidaalku waxa uu ahaa afar kun, Maantana waa Todoba kun,iyada oo qiimihii Shidaalka ee Adduunku uu hoos u dhacay, oo Samaale ayaa laban laab kordhiyey,khiyaanada Qaran ee uu sameeyeyna waxa ka mid ah qiimihii Shidaalka oo uu kordhiyey, waxa kale oo uu kordhiyey Raydkii qiimihii Doolarka,oo Saddex kun ayuu ugu yimid, Maantana waxa ay maraysaa Shan kun oo Shilin,Cashuurtana dadka ayey saaran tahay, waxaanad mooda in Dalkan loo xidhay dad gaar ah Shirkad Shidaal soo dajisa oo Cashuur laga qaada ma jirto, ee dadka ayey Cashuurta ka qaadan, oo dad gaar ah ayaa dalkii loo xidhay, , Inankan yar ee loo dhiibay Haamaha Shidaalka ee la yidhi ilaali Haamaha Shidaalka, maaha wakaaladii Shidaalka ee waa ilaaliye, ee may ahayn inuu wax kordhiyo”.ayuu yidhi Xildhibaan Gaane.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa khalad ahayd oo hore ugu jiray oo lacagta Haamaha Shidaalku qaado ka mid ahaa Lacagtii ay Total sheeganaysa inay dib u habayn ugu sameeysay Haamaha Shidaalka, markaas ma Total ayaa Maanta lacagta saaraysa, 13-dollar ee Total ayaa wali la gurtaa oo aan Cashuur ahayn, waxaan markaas arkaa in duulan lagu hayahay noloshii dadka, malab yar ayaa qiimihiisi la dhimay, Raashinkiina waa la kordhiyey.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxay Xukuumaddani tidhaahda Misaaniyadii ayaanu kordhinay, waxa ay ugu yimadeen 75-Milyan,waxayna imika yidhaahdan waxa aanu marinaynaa 250 waa beentooda, waxay kordhiyeen qiimihii Cashuurta ee dadka oo waxa ay khiyaameen dadkii, Maalinta uu yidhaahdo waxa ayaan kordhiyey laba kun oo reer ayuu dabkoodu bakhtiyaa, oo waxa aanu ognahay in Maanta tiraba Siddeedaad Wasiir ay marayaan oo ay dhisteen Fooqaq min laba dabaq ah, oo si cad ayaanu Wasiiradda dhawaan u soo bandhigaynaa”.

Xildhibaan Siciid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Golaha wakiiladu uu iska barakaysayn yahay musuqmaasuqii ayuu ansixinaya, Misaaniyadii oo musuqmaasuq badani ku jiro oo haddii Ardayda Jaamacadaha loo dhiibo ay qajilayaan ayaa la ansixiyey, wali caalamka lama arag lacag cad oo la soo daabacay oo misaaniyada ku jirta, lama arag hanta umaddeed oo la dabar gooyo oo la yidhaahdo misaaniyaddii ayaa korodhay,oo hadda Ardayda Jaamacadaha ayaanu u qaybinaynaa oo Daraasado iyo baadhitaano ayaanu sameeynaynaa Caalamku ha inala yaabee”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.