Tillerson Muxuu Kula Dardaarmay Itoobiya & Afrika?

0
Tillerson Muxuu Kula Dardaarmay Itoobiya & Afrika?

Tillerson Muxuu Kula Dardaarmay Itoobiya & Afrika?

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson oo jooga dalka Itoobiya ayaa mar kale ku celiyay sida dawladdiisu uga soo horjeedo xaaladda degdegga ah ee dawladda Itoobiya dalkeeda galisay. Waxa kale oo uu guud ahaan Qaraadda Afrika uga digay qaadashada amaahda Shiinaha oo bahwadaag weyn la noqday Afrika.

Darfaaranka Itoobiya

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo Addis Ababa ka hadlayay waxa uu sheegay in xalka Itoobiya yahay dadka oo la siiyo xorriyad dimuqraadiyadeed oo balaadhan “Waxaanu dawladda(Itoobiya) la wadaagna walaaca ay leeyihiin dhacdooyinka gacan ka hadalka ah iyo dhimashada dadka laakiin, waxaanu si adag u rumaysan nahay in jawaabtu tahay xorriyad weyn oo dadka la siiyo maaha mid yar,” Sidaas ayuu yidhi Tillerson.

“Waxaanu aqoonsan nahay xaaladda kala guurka ah ee ka socota Itoobiya, taas oo ah markii u horaysay ee si ikhtiyaari ah awoodda la isugu wareejinayo waxaan u arkaa arrin aad u toggan in hannaan nabad ah talada la isugu wareejiyo marka loo eego dimuqraadiyaddan aadka u yar ee Itoobiya,” Sidaas ayuu sheegay Mr Tillerson.

Waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku wali qabo walaaca ay ka qabaan in dawladda Itoobiya soo rogtay xaalad degdeg ah oo xannibaysa xuquuqaha muhiimka ah iyo xorriyadda isu soo baxyada “Waxaanu rumaysan nahay in dib u habaynta hannaanka dimuqraadiyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo nabad waarta ay yihiin arimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in wax laga qabto iyada oo loo marayo hab siyaasadeed loo dhan yahay halkii laga soo rogi lahaa xannibaado,” Sidaas ayuu yidhi Tillerson.

Farriinta Afrika ee Rex Tillerson

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku wuxuu afka ula kala baxay xidhiidhka Afrika iyo waddanka Shiinaha. Waddanka China waxa uu noqday bahwadaag weyn oo dhanka ganacsiga iyo dhismaha kaabayaasha ah oo ay Afrika yeelatay waxaanu ka digay sii socoshada xidhiidhkaasi.

“Sinaba isuguma dayayno in aanu doollarka Shiinuhu Afrika soo galin laakiin, waxa muhiim ah in waddamada Afrika si taxadar leh u eegaan shuruudaha heshiisyada(Heshiisyada Shiinaha iyo Afrika) oo aanay iska dhiibin Qarannimadooda,” Sidaas ayaa ka mid ah farriimaha uu Afrika u diray.

Waxa kale oo uu dhalliilay maalgalinta Shiinaha ee Afrika “Maalgashida Shiinuhu ma abuurayo shaqooyin muhiim ah oo gudaha ah,” Sidaas ayuu yidhi Tillerson oo dhalliilaya daynta Shiinaha ee Afrika oo uu inta badan ku dhiso kaabeyaasha dhaqaalaha sida jidadka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku wuxuu ku andacooday in dawladda aqbashada daynta Shiinaha ee dhib kala kulanta(Iska bixin wayda) ay luminayso maamulka kaabayaasheeda(wixii Shiinuhu u qabtay) laakiin, ma raacin wax tusaale ah oo ku saabsan sida ay taasi u dhici karto.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov oo Khamiista maanta ka hadlayay waddanka Zimbabwe ee Afrika oo uu bookhasho ku jooga ayaa sheegay in aanay ahayn in Tillerson dhalleeceeyo xidhiidhka Shiinaha iyo qaaraddan uu martida ku yahay “Ma habboona in uu dhalleeceeyo xidhiidhka dadka uu martida u yahay_ marka uu halkan ama dal kale martida ku yahay. Dalal badan oo Afrika ah waxay ku naaloonayaan xidhiidhka wanaagsan ee ay la leeyihiin Washington iyo Beijing labadaba,” Sidaas ayuu yidhi Sergei Lavrov.

“Dalkani wuxuu la macaamilaya bahwadaagtiisa dunida oo dhan taasna waxa hagaya danahayaga iyo qiimayntayada,” Sidaas ayay sheegtay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo wax laga waydiiyay eedaha Tillerson maaddaama Kenya tahay waddamada ugu weyn ee bahwadaagta la ah Shiinaha.

Sources

Africanews

Reuters

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.