Tifaftiraha Horn Cable Oo La Xukumay

0
Tifaftiraha Horn Cable Oo La Xukumay

Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr(Coday) oo ah tifatiraha Horn Cable TV ayaa saaka maxkamaddu ku xukuntay 3 sanno oo xadhig ah iyo 3 Milyan Somaliland Shilin oo ganaax lacageeda. Cabdiqaadir oo kiiskiisu ka socday maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ilaa Bishii November ayaa saaka laga gaadhay go’aan kama dambays ah.

Xadhiggiisa ayaa yimid markii telefishanka Horn Cable baahiyay warqad shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai kaga cabanayso diyaaradeeda oo ku degi kari wayday madaarka Hargeysa iyo waraysi telefishanku la yeeshay Suldaan Wabar oo jabhad ka abuurayay duleedka gobolka Awdal.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.