Telefishanka Al-jazeera Oo Warbixin Dareen Taabad Leh Ka Diyaariyey Xasuuqi Shacbiga Somaliland Lagula Kacay. Akhriso/Daawo

0

 

Doha(Sayruuq)-Telefiishanka Al Jazeera, ayaa warbixin qoto dheer ka diyaariyey xasuuqii shacabka Somaliland ay kala kulmeen millatarigii Siyaad Barre.

Warbixintan, ayaa lagu warraystay dadkii xasuuqaas goob-jooga u ahaa oo badankoodu uur-ku-taalada ay ku reebtay dhibaatadii ay indhahooda ku arkeen iyo waliba aqoonyahanno baadhitanano ku sameeyey oo soo bandhigay dhukumantiyo iyo muqaallo muujiyey xasuuqaas.

Sidoo kale, waxa si toos ah loo duubay xabaallo wadareedyada lagu aasay dadka xasuuqan ba’an loo geystay, halka General Tuke oo ka mid ahaa raggii degaanka Gabilay xasuuqa ba’an ka gaystayna lagu soo bandhigay sida uu dhibta u geystay iyo qurbaha uu isku qarinaayo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.