Tartanka Kulmiye Wuxuu U Dhexeeya Kaliya Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin

0

Waxa Qoray Suxufi Calimahdi Jibriil

Waxaad mooddaa dad badan in ay siyaabo kala duwan u fekereen kedib hadalkii Axmed Cabdi Dheere oo kulmiye ka tirsani kaga jawaabay damacii Maxamuud Xaashi.

Marka koobaad Taageerayaasha Maxamuud waxaan leeyahay ha xanaaqina Xaalku sidaa ma aha e dejiya,

Ugu horayn Axmed Cabdi dheere muu odhan Maxamuud KULMIYE iskama sharixi karo iyo kama mid aha toona, keliya wuxuu yoolka hadalkiisu ahaa “musharaxu hogaanka iyo xisbiga buu iska dhex sharaxaaye Warbaahinta iyo baraha bulshada iskama sharaxo taas oo u muuqatay in laga kululaaday taageerayaasha tirada beelay ee Maxamuud Baraha bulshada ku leeyahay.

Dad badan baa moodaya in Axmed Cabdi Dheere la soo diray oo la yidhi u jawaab Maxamuud lkn sidaa xaqiiqadu ma aha,
1- hadii Axmed la yidhi jawaab, Xog-hayaha guud ee kulmiye isna muu hadleen’e hal qof uun baa xisbiga u hadli lahaa.
2- Axmed Su’aasha waa la waydiiyay isagoo shir jaraa’id qabanaya’e ismuuba lahayn jawaab se weriyeyaashaa waydiiyay.

Sidoo kale waxaa jira Khilaaf Axmed Cabdi Dheere, Maxamuud Xaashi iyo Samaale soo kala dhex galay shirkii Golaha dhexe ee Boorame ka dhacay Badhtamihii Sanadkan

Axmed horta waa gudoomiye ku xigeen ku meel gaadh ah se ma aha gudoomiye xigeen rasmi ah, booskii xildhibaan waabeeye iska casilay buu sii buuxinayay, shirkii golaha dhexe ee boorame ka dhacay laba ujeedo ayaa loo qabtay,
– midi wuxuu ahaa in shirweynaha xisbiga sanad dib loogu dhigo.
– midna wuxuu ahaa in ku-meel-gaadhnimada laga saaro Xubintii buuxisay Gudoomiyaha Golaha Dhexe iyo Xubintii buuxisay gudoomiye xigeenka labaad oo ah Axmed Cabdi dheere.

Maalintii labaad ee loo balansanaa in shirkana dib loo dhigo xubnaha ku meel gaadhka ahna la ansixiyo 6-dii subaxnimo ayay shir galeen Hogaanka xisbigu markii la sheegay labada ujeedo eee maanta la qabanayo, in la ansixiyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee ku meel gaadhka ahaa Xildhibaan Wedka waa la isla qaatay, lkn ansixintii Gudoomiye ku xigeenka labaad waxaa diiday Samaale iyo Maxamuud Xaashi iyo xubno kale oo hogaanka ka mid ahaa waxay ku doodeen in lagu tartamayo booskaas shirwaynaha weliba madaxweynaha waxay ku dheheen gudoomiyaha xisbiga iyo ku xigeenadiisaba waa lagu tartamayaa madaxweynuhuna wuu ka garaabay, sidaas ayaa axmed in la ansixiyo loogu quus gooyay,

Markii shirkii la soo galay axmed niyad jab weyn baa ka muuqatay halka xubintii kale ee ku meelgaadhka ahaydna la ansixiyay, qoladayadii weriyeyaasha ahaa ee shirka lagu soo marti qaadayna xanta iyo nuxnuxda waanu haynay attention-ka axmedna si wayn baanu ula soconay.

Samaale wuxuu rabay in uu noqdo Gudoomiye ku xigeenka xisbiga, Maxamuudna wuxuu u hanqaltaagayay Gudoomiyaha xisbiga sidaas ayay u diideen in la taabto gudoomiyaha iyo ku xigeenada xisbiga, maalinta shirweynuhu dhacana doorashaa la galayaa oo halkaas buu ku egyahay ku meel gaadh wixii ahaa.

Taageerayaasha Maxamuud Xaashi waxaan leeyahay ha degdegina hana cadhoonina ninkani dadkii wax la kala wareegayayna kama mid ah, nin miisaan leh oo u babac dhigi kara kaadiriintana ma aha, Maxamuud iyo Madaxweynuhuna si fiican bay isku yaqaanaane ha u welwelina midna ku biyo cabba tartanka kulmiye Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin qudha ayuu u dhexeeyaa iyo Madaxweynaha oo u dhexeeya cid kale ma sadaxaynayso taas anaa idiin huba a, labadaasina geedkoodii bay isla tegi doonaan 😂.

Midna waan idiin xaqiijinayaa Madaxweyne Muuse iyo Maxamuud Xaashi waa isku siyaasad waana isku ujeedo waana isku dhinac.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.