Hargeysa(Sayruuq):-wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland ayaa maanta furtay koobka kooxaha heerka koowaad ee caasimada Hargeysa.
![]() |
![]() |
Ciyaartii ugu horaysay ee lagu furayey tartanka kooxaha heerka koowaad ee caasimada Hargeysa ayaa dhex martay kooxaha dawlada hoose iyo wasaarada duulista.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa daawashadeeda ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan, waxaanay guushu raacday kooxda dawlada hoose oo ku badisay hal gool iyo waxba.