Tani waa gabadha aduunka ugu awooda badan ee ka talisa wadanka Jarmalka waana marwo “Angela Markel”.

0
Tani waa gabadha aduunka ugu awooda badan ee ka talisa wadanka Jarmalka waana marwo

Tani waa gabadha aduunka ugu awooda badan ee ka talisa wadanka Jarmalka waana marwo “Angela Markel”.

Marwo Angela Merkel hal warshad oo kaliya oo wadankeeda kutaala waxay kasoo saartaa 15 bilyan oo dollar , sidaa ay tahayna dawlada Jarmalku may siin gaadhi bilaasha, laydh bilaasha,gaas bilaasha,tigidho bilaasha ,xataa telefoon bilaasha oo lagu maamuso,maamuusid daayoo waxaa la cashuuraa mushaharkeeda iyo hantideeda gaarka ah, hal dollar oo dheerada hadey isticmaashana waa inay is casishaa maxakamdna lagu furaa. Sidaa awgeed waxaad garawsatey inay Angel markel u nooshay sida muwaadin caadiya oo Jarmal ah dhanka xaqa iyo xaquuqda.

Sawirkanoo Angela laga qaadey iyadoo ka adeeganaysa suuq ku yaal Baarliin waxay isticmaalaysey jeebadeeda maadama Angela rabtey inay samaysato cunto iyada u gaara oy jeclayd. Angela waxay u adeeganaysaa sida muwaadin caadiya oo Jarmal ah oo iyadaaba wadatey gaadhigeeda khaaska kuna shubatay shidaalkeeda oo hadey intey socotay jiidhi lahayd Trafic light si khaldan waxay bixin lahayd ganaaxa traffic-da ,mana jirto masuuliyiin dabo guuraya oo soo dayacey shaqadoodii iyo wado loo xanibayo ilbidhiqsi ama saacado sida dunida rogmatay.

Hadaba ninkii sawirkan ka qaadey Angela Markel ayaa ku yidhi” waxaan xasuusta inaan sawir hore isla suuqan kaga qaadey 10 sanno kahor?
Waxay ugu jawaabtay ” Mudane anigu waxaan u tagaanahay u adeegida shacabkeyga balse ma ahi gabadhaha maryaha xayeysiiya oo laga rabo sawir qurxan si loo arko quruxda maryaha ay xayeysiinayaan”.

Dunida Islamkana waxay aad u qaadaa dhigeen sawiro baraha bulshada qabsadey oy ku sawirantay marwo Angel Merkel waxaa lagu haldhigay halku-dhag ahaa ” Reer galbeedku waxay cunaan hilibka doofaarka waxaanay cabaan khamriga balse ma cunaan xoolaha ummadooda”

Akhriste masuuliyiinta Soomaalida barbardhig gabadhan ?
W/T: Xamse Kaarshe.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.