“Tallaabada ay Wadaan Mucaaridku Guul u Soo Hoyn Mayso, Magaca Habar-magaadle –na Heli Maayaan”

0

Hargaysa (Sayruuq)- Xidlhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere) oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiiladda ee Somaliland ayaa dhaliilay shirarka Qabyaaladaysan ee ay xisbiyadda Mucaaridka ahi ka dhex-wadaan beelaha dhexe ee Somaliland.

Waxaanu tilmaamay in taasi ay muujinayso in labadda xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI in ay Saaqidiin ka noqdeen saaxadda siyaasadda. Waxaanu sheegay in aanay wax guul ah ku gaadhi Karin qorshahani.

Xildhibaan C/raxmaan Dheere, oo xalay u waramay wargeyska DAWAN, waxa kale oo uu sheegay in nidaamka asxaabta aynu u samaysanay in aynu kaga gudubno qabyaaladda, isla markaana nimanka mucaaridka ah ee maanta dib ugu noqday qabyaaladda in xaaladoodu ay tahay samir tag-waa. Waxaanu xusay in aanay mucaaridku dariiqaasi ku kasban karin taageerayaal.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray xildhibaanku, in aanay wax guul ah u keeni Karin talaabadani xisbiyadda mucaaridka ah, isla markaana aanay u soo kordhinaynin magac, sumcad iyo siyaasad toona.

Xildhibaan C/raxmaan Dheere, oo ka hadlayay aragtidiisa shirarka ay mucaaridku wadaan wxa uu yidhi “Anigu arrintaasi waxaan u arkaa, ninka maanta qabyaalad iyo qudhun ku soo hoos meeraysta, dadkana ka doonaya madaxnimo iyo cidii kale ee aan madaxnimaba ka doonaynin ee waxaas wada inay saaqidiin yihiin, oo ay ku dhex-saaqideen siyaasadda dalka.”

Waxa kale oo uu sheegay Md. C/raxmaan Dheer, in aanay wax taageerayaal ah ku kasban Karin shirarka qabyaaladaysan ee ay axsaabta mucaaridka ahi ka dhex wadaan beelaha Dhexe.

“Umalayn mayo in ay sidaasi taageero kaga heli karaan beelaha, waayo saaqidiin ayay siyaasadaba ka noqdeen, markaa sidee ayay taageereyaal iyo cod ku kaasban karaan. Xisbiyadda waxaynu u samaysanay in aynu kaga gudubno qabyaaladda, markaa ninka haddana maanta dib ugu noqday taasi ee bahashii ka dhex baadhaya beelaha, xaaladiisa samir taagwaa ayaa lagu tilmaami karaa. Markaa u malayn mayo inay u kordhin karayso sumcad magac iyo siyaasad toona” ayuu yidhi C/raxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere).

Sidoo kale, Xildhibaan C/raxmaan Dheere, in aanay wax suurto gelaya ahayn ururinta beelaha Habar-magaadle ee ay xisbiyadda mucaaridka ahi ku hawlan yiiin, isla markaana aanay hawlahaasi wax guul ah u soo kordhin doonin.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Tallaabadan ay wadaan axsaabta mucaaridka ahi guul u soo hoyn mayso, magacan ay sheegayaana heli maayaan ee ay leeyihiin shirkii beesha Habar magaadlaha inay ururiyaan, toban qof oo meel isugu tegay na waxba ma ururiyaan reeraha. waynu ka war haynaa oo reerahan ay leeyihiin waanu isku geynaynaa wax ay ku guulaysanayaan ma aha, waanay ku guul daraysteen taasi, bulshaduna arrintaasi sheekadeedaba ma hayso, malaha iyaga ayuun baa jeclaaday inay waxan wad-wadaan.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.