Taliyaha Saldhigga Booliska Gaalkacayo Oo Qarax Lagu Dhaawacay

0
Beesha caalamka oo markale war ka soo saartay doorashada Jubbaland

Taliyaha Saldhigga Booliska Gaalkacayo Oo Qarax Lagu Dhaawacay

Gaalkacayo (Sayruuq) – Taliyaha Saldhigga Booliska ee degmada Gaalkacayo, qaybteeda Gal-mugud Cawil Nuur Rooble ayaa dhaawac culus ka soo gaadhay Qarax loogu xidhay Gaadhigiisa.

Taliyaha ayaa Qaraxu qabsaday isagoo maraya Koonfurta Magaalada Gaalkacayo, waxaana soo gaadhay dhaawac culus, sida uu soo sheegayo Weriyaha Telefiishanka HCTV ee Magaalada Gaalkacayo.

Taliye Cawil ayaa la dhigay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacayo, si loola tacaalo Xaaladdiisa Caafimaad.

illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkan oo aan la ogayn in Cid kale wax ku noqotay.

La Soco Warkan oo Faahfaahsan

Xigasho HCTV.TV

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.