Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Xubno Dablayda Guddoomiye Ramaax Weerartay ah Oo La Qabtay+Tirada Dad Loo Xidhay

0

 Boorama(Sayruuq)- Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ku sheegay in hawl gal balaadhan oo boolisku qaaday lagu soo qabtay 5 xubnood oo lala xidhiidhinayo inay yihiin kuwa habeenkii xalay weeraray guriga badhasaabka Awdal ee Boorama.

 

Ugu yaraan 2 ka mid ah ilaalada badhasaabka gobolka Awdal ayaa dhintay kadib markii dablay hubaysani soo weerartay gurigiisa oo ku yaala magaalada Boorama. waxaa sidoo kale hawlgalkaasi ku dhaawacmay laba ilaalada badhasaabka ah.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidanku helay xog sheegaysa halka dablaydaasi ku sugan tahay islamarkaana ciidanka iyo kooxdaasi rasaas is waydaarsaday aakhirkiina la qabtay shan xubnood oo mid ka mid ahi qori sito dhaawacna yahay, islamarkaana qirtay inuu kooxda weerarka gaysatay ka mid yahay.

 

 

“ Markii hawlgalkaasi dhacay, ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu galay hawlgal balaadhan, adigoo halkan(Hargeysa) aanu ka dirnay ciidan xoojin ah horena ciidankii gobolku u joogay, waxaana dhacday inaanu helnay xog dhab ah oo ku saabsan meel ay ku sugan yihiin ciidankii xalay badhasaabka gobolka Awdal weeraray ee ciidanka laayay. Ciidanka boolisku wuxuu tagay goobtii nimankaasi ku sugnaayeen, waxaana dhex maray dagaal, dagaalka kadibna  waxay ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen 5 xubnood oo mid ka mid ahi dhaawac yahay, laguna qabtay qori M16 ah iyo 23 xabbo oo rasaas ah, isagoo dagaalamaya oo ciidanka rasaas ku ridayana la qabtay, islamarkaana wuxuu qiraal ku bixiyay inuu ka mid yahay raggii weerarka gaystay,” ayuu shirkiisa jaraa’id ee caawa ku yidhi Taliye Fadal.

 

Waxa uu sheegay in ilaa 26 qof loo xidhay dhacdada ka dhacday Boorama habeenkii xalay “Baadhistii gacanta ayaa lagu hayaa, waxaana kale oo ciidanka boolisku soo qabteen 26 qof oo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen weerarka xalay ama ay abaabulayeen, waxaana inshaa Allah lagu kala saari doonaa baadhista,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha Booliska ayaa tacsi u diray ehelada labada Askari ee dhaawacmay, waxaanu Alle caafimaad uga rajeeyay labada dhaawaca ah.

 

Badhasaabka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa  sheegay in abaaro Salaaddii subax ka hor habeenimadii Arbacada gurigiisa la soo weeraray islamarkaana ay difaaceen ilaaladiisa, kadibna dablaydu u carartay dhinaca Xuduudka oo aan ka fogayn magaalada Boorama, waxaanu sheegay in halkaasi ciidamada Ammaanka Somaliland iyo Kooxdu isku baacsadeen.

 

Wasiir kuxigeenka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, oo maanta ka hadlayay arrintan ayaa sheegay in lagu dabo jiro dablayda weerarka gaystay “ Waxaa naloo sheegay in kooxdu magaalada gudaheeda ku jireen, laguna daba jiray laakiin, nasiib darro falka markay gaysteen way baxsadeen, waana lagu daba jiraa raadkoodiina waa la hayaa,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

 

Wasiir xigeenku waxa uu sheegay inay hayaan caddaymo muujinaya in kooxdaasi ka tirsan tahay kooxda Suldaan Wabar “ Waanu haynaa wararkooda oo tafotiran arrimahaasina waa kuwo u gaar ah ammaanka,” ayuu yidhi Mr Cadarre.

 

Dhanka kale, wasiir xigeenku waxa uu ka hadlay ganacsato iyo dad kale oo ilaa 7 lagu sheegay tiradooda oo lagu xidhay Boorama “ Fal dambiyeed marka uu dhaco cid allaale cidii la tuhunsan yahay waa habka dawladnimo in la xidho inta la baadhayo amma lagu caddaynayo,” ayuu yidhi.

 

Wasiir kuxigeenka oo wax laga waydiiyay in weerarkani dhaawacayo heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia dhawaan kala saxeexdeen ee ahaa in Suldaan Wabar mawqifkiisa ka tanaasulo ama Ethiopia soo qabto ayaa ku jawaabay “ Dhaawac badan gaadhsiin maayo, maxaa yeelay heshiisku waa socdaa, waanay ku hawl jiraan intaanu ka war hayno eenu wada xidhiidhno Ethiopia, wax badana way qabsoomeen, inta hadhayna inshaa Allah waxaanu rajaynaynaa in iyagoo gacanta ku haya ay noo soo gacan galiyaan ama ay noo fasaxaan aanu gacanta ku soo qabannee.”

 

Somaliland iyo Ethiopia ayaa dhawaan Diridhaba ku kala saxeexday heshiis dhinaca ammaanka ah oo nuxurkiisu ahaa inaan dalna marti galin ama ogolaan in dalkiisa ay joogaan cid ka soo horjeeda dalka kale. Ethiopia ayaa heshiiska ku saxeexday inaanay ogolaan doonin in ciideeda ay joogaan cid Somaliland ka soo horjeeda, halka Somaliland aanay ogolaan doonin cid ka soo horjeeda Ethiopia, balse kooxda Wabar oo u talowda dhinaca Ethiopia waa ta lagu tijaabin doono heshiiskan labada dal.

 

Boorama waxaa ka socda ciyaaraha gobolada Somaliland wajigooda koobaad ee isreebreebka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin madaxda gobolada iyo ciyaartoyga gobolada Maroodijeex, Saaxil, Salal,Gabiley, Awdal, Buuhoodle iyo Hawd.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.