Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Loo Dallacsiiyay Darajada Sarreeye Gaas

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan dallacsiiyay. Taliyaha oo hore u ahaa sarreeye guuto ayaa haatan laga dhigay Sarreeye Gaas.

Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo muddo soo hoggaaminayay ciidamada booliska ayaa la rumaysan yahay in uu shaqo wanaaggiisa ku mutaystay dallacsiinta la gaadhsiiyay darajada u saraysa ee Ciidamada Somaliland. Muddada uu hayay hoggaanka booliska Ayaan laga dareemin dhalliilo shaqo iyo cabasho dhanka ciidanka ah.

Madaxweynaha talada ka sii degaya mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxqabadyada lagu xasuusan doono waxa tiir-dhexaad u ah darajada ciidamada Somaliland oo  hirgaliyay islamarkaana dallacsiiyay kuwii mutaystay si mooralkooda shaqo kor loogu qaado,

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.