Taliyaha Booliska Iyo Maayarka Berbera Oo U Jawaabi Waayay Hay’ad Caalami Ah

0
FILE - In this Monday Nov. 13, 2017 file photo, ruling party candidate Muse Bihi Abdi speaks to the media after casting his vote in the presidential election in Hargeisa, in the semi-autonomous region of Somaliland, in Somalia. The ruling party candidate in Somalia's semi-autonomous region of Somaliland has been declared the winner of the presidential election but the opposition claims irregularities in the vote. (AP Photo/Barkhad Kaariye, File)

Hargeysa(Sayruuq) Hay’adda caalamiga ah ee CPJ (Committee to Protect Journalist) oo u dooda xuquuqda wariyeyaasha ayaa ku baaqday in la sii daayo wariyeyaasha kala ah Axmed Siciid Iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo u xidhan maayarka magaalada Berbera Cabdi Shakuur Ciddin. Suxufiyiintan ka hawlgala telefishannada Saab iyo Eryal ayaa la xidhay markii ay baahiyeen warbixino ku saabsan in Maayarka Berbera ku tagri falay hanti Qaran.

“Xukumadda Somaliland waa in ay si dhakhso ah u sii dayso Axmed Siciid iyo Cabdiraxmaan Cige una ogolaato wariyeyaasha in ay hawl galaan iyaga oo aan ka cabsi qabin in la xidho,” Angela Quintal, sidaa waxa yidhi isu duwaha Afrika ee CPJ oo intaas raaciyay “Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu haysta fursad uu ku dhammeeyo isku dayada cad ee lagu cabsi galinayo wariyeyaasha, muhiimadda xukumaddiisana kaga dhigo in mudnaanta uu siiyo xorriyadda saxaafadda.”

CPJ oo xadhiga wariyeyaasha ka waraysatay Guuleed Dafac oo madax ka ah xarunta xuquuqal Iisaanka ee HRC iyo Yaxye Maxamed oo ururka Suxufiyiinta Somaliland ah waxay sheegtay in maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin ka jawaabi waayay telefoonkooda, islamarkaana sidoo kale ka jawaabi waayay qoraallo ay u direen. Sidaas si la mid taliyaha Booliska Sarreeye Gaas Cabdillahi Fadal ayay sheegeen in aanu ka jawaabin telefoonnadooda iyo qoraal ay u direen si ay ugala hadlaan xadhiga wariyeyaasha.

Xukumadda Madaxweyne Muuse ayaa la kawsatay iyada oo ay xabsiga ku jiraan afar wariye oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cige, Axmed Siciid, Jimcaale Dayib iyo Maxamed Aadan Dirir. Guddoomiyaha SOLJA ayaa sheegay in hay’addo warbaahineedna dacwado ka yaallan maxkamaddaha waxaanu ku baaqay in xukumadda cusub kala shaqayso wax ka qabashada arrimahan.

Warbixinta CPJ halkan kaga bogo

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.