Taliska Booliska oo soo Bandhigay Amarro lagu soo Rogay Xawaaraha Baabuurta iyo Tirada Shilalkii u Dambeeyey

0

Hargeysa (Sayruuq)- Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somalialnd Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa shaaciyey amarro cusub oo lagu soo rogay xawaaraha gaadiidka ka shaqeeya dalka.

Taliye Fadal

Taliye Fadal ayaa sheegay in la xadiday xawaaradaha ay ku socdaan baabuurta gudaha magaalooyinka iyo kuwa isticmaala jidadka waawayn ee xidhiidhiya gobollada dalka, waxaannu xusay in xawaaraha baabuurta gudaha magaalooyinku noqonayo 30 Kilomiter keliya saacadiiba, halka kuwa maraya waddooyinka gobollada isku xidha lagu amray in xawaarahoodu noqdo 80 Kilomiter, isla markaana ciddii ku xad-gudubta sharcigaasna la marin doono ciqaab adag.

“Xeerku waxa uu tilmaamayaa inuu darawalku ilaaliyo nidaamka waddo-marista gudaha magaalooyinka iyo dibadoodaba si uu u sugo ummadda masuulka ka yahay ee rakaabka ah. Waxaannu farriin u diraynaa gaadiidlayda Somaliland oo dhan, xawaaraha gaadiidku ku soconayaan magaalooyinka dhexdooda waa 30 Kiloomitir, xawaaruhu gaadiidku ku socon karo jidadka ka baxsan magaalooyinka ee gobollada isku xidha waa 80 KM/h (siddeetan kiiloomitir saacadiiba), xawaaraha gaadiidka waawayn ku socon karaan magaalo dibadeed waxay noqonaysaa 60 KM/h. Waxaan farayaa Ciidanka Nabadgaliyada Waddooyinka inay sharcigan ku dhex kaantarool magaalada dhexdooda iyo jidadka waawaynba, qofkii u hoggaansami waaya oo ay horgeeyaan sharciga,” ayuu yidhi Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal.

Waxa kaloo uu sheegay in la ilaalin doono sharciga liisamada darawallada gaadiidka, waxaannu yidhi, “Xeerka Nabadgalyada Waddooyinku waxa uu u kala saarayaa liisamada wadista baabuurta saddex qaybood oo kala ah; A,B,C, markaa waxa mamnuuc ah in darawalka baabuurka yar ee liisankiisu yahay ‘C’ sida Garandada ama Vitz (dukhaanka) aannu kaxayn karin gaadiidka waawayn, waana mid lagula xisaabtamayo oo lagu ilaalin doono oo sharciga lagu waafajin karo.”

Dhinaca kale, Taliye Fadal waxa uu soo bandhigay shilalkii u dambeeyey ee ka dhacay dalka iyo khasaaraha ka dhashay, waxaannu sheegay in bishii u dambaysay oo keliya la diiwaangeliyey 257 shil gaadhi, kuna dhinteen ilaa 19 qof, taasina muujinayso heerka sarreeya ee shilalku marayaan iyo baahida loo qabo in isbeddel la sameeyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.