Tababare Mourinho Oo La Eryay

0
Tababare Mourinho Oo La Eryay

Tababare Mourinho Oo La Eryay
Tababare Jose Mourinho ayaa laga eryay shaqada kooxda Manchester United kadib laba sano iyo badh uu kooxda laylinayay.

“Kooxdu waxay u mahad celinaysa Jose Mourinho muddadii uu joogay Manchester United waxaanay mustaqbalka u rajaynaysa guul,” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaan kooxdu soo saartay.

Kooxda ayaa xilli ciyaareedkan si weyn loo hadal hayay in uu curyaamiyay khilaaf hoose oo u dhexeeya tababaraha iyo ciyaartoyda lafdhabarka u ah qaarkood waxaana kulankii u dambeeyay si xun ugu tumatay kooxda Liverpool oo la odhan karo waa markii labaad ee ay sabab u noqoto in Tababare Mourinho la eryo maaddaama 2015 Chelsea laga eryay markii Liverpool ka badisay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.