Tababare Jama Aden (Karaiin) iyo Rikoodhada Isdaba Jooggaa ee Cayaaryahanaddiisa Genzeba Dibaba

0

Waxaa markale dunida Caalamka Ciyaaraha oroddada markale kaga dayaamiyey Ciyaartoyga Genzeba Dibaba ee uu Tababarro Jama Aden oo ah tababare si weyn looga qaddariyo, ama looga dambeeyo Caalamka. Waxaa Dibaba oo ah 24 jir ay jebisay rikoodhkii u yaalay orodka masaafada 1500m/meter; kaas oo ahaa mid aan loo dhawaan jirin, kuna cusboonaysiisay 3 miridh 50.07 oo ilbidhisqsi 3:50.07. Waxaa rikoodhkii ay jabisay ku orday ciyaartoyga shiinahaa ee Yunxia Qu kaasoo ahaa 3:50.46, kana dhacay magaala madaxda China ee Beijing sannadkii 1993.

Guushan oo ahay mid filan waa ku noqotay dadka qaddariya ciyaarahan orrodadda adduunka, iyo kuwa ka faaloodaba maadaama ay Dibaba ay ku guulaysatay orodkan oo aha mid outdoor ah. Waxaa hore looga bartay ciyaartoyda Dibaba inay ahmiyad gaar ah siiso baddinta ciyaaraha indoor ka ee lagu ordo garoomada kooban ama daddan. Saacadaha ay ku oroday intii ka horreeysay xagaagan Genzeba ayaa ahaa qaar aanay ku qanacsanayn kuwaas oo ahaa 3:57.54 arodka 1500m, 8:26.21 orodka 3000m, iyo 14:28.88 orodka 5000m. Saacadahaa oo runtii ah qaar ay ciyaartoyga kale ay ku riyoodaan siday u gaadhi lahaayeen, balse Dibaba iyo tababare Aden ay ogaayeen inay ka gudbi karto iyagoo eegaya tababarka iyo barnaamijka ay ku socoto ciyaaryahan Dibaba. Genzeba Dibaba ayaa mar laga wareystay ka dib rikoodhkeeda cusub tidhi “Waan ogaa inaan karti u leeyay inaan jabiyo rikoodhka 1500m, kalsoonidaana waxa isiiyey tababarka xooggaa ee tababraygu igu siiyey magaalada Barcelona”. Waxay sidoo kale mahadnaq balaadhan u soo jeedisay tababaraheeda Jama Aden, iyadoo tidhi “Waxaanan marnaba ilaabayn kalsoonida buuxda ee aan ka helay tababarahayga, isagoo mar walba igu dhiirigeliya inaan xoog saarro jebinta rekoodhada aan awoodda u leeyahay”. Waxaa ay Dibaba ku dartay inay hiigsnayso jebinta rikoodhadeeda 1500, 5000m, iyo 800m ba.

Waxaa tababare Jama Aden iyo kooxdiisa ee ay ka mid tahay Genzeba Dibaba ay u diyaargaroobayaan siday Billaddo Dahab ah markale uga soo hantiyi lahaayeen ciyaaraha IAAF World Championships lagu qaban doono Magaalada Beijing ee China; kuwaa soo bilaabmaya bisha August 24 da. Waxaa Ciyaaryahannada caanka ee tababarahan ka mid ah Ayanleh Souleiman, Mousaeb Balla, Abdaleleh Haroun, iyo Ciyaaryahanno badan oo iyaguna tartankaa ka qaybgelaya. Waxaa jeclahay inaan idin la socodsiiyo natiijooyinka ciyaaraha kooxda Tababare Sare Jama Aden ee World Champiomships. Waxaan shaki ku jirin inuu Jama Aden yahay tababraha ugu horreeya Caalamka oroddada masaafada dhexe ee Dunida maanta. Waa tabaraha uu ciyaartoy walba oo ardaa uu magaciisa laabta ku hayo, kuna Hammiyo sidii uu uga mid noqonlaa kooxda uu tababarro.

By. Issa Awaleh

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.