Tababaraha Manchester City Oo Xorriyadda Dalkiisa U Halgamaya

0
Tababaraha Manchester City Oo Xorriyadda Dalkiisa U Halgamaya

Tababaraha Manchester City Oo Xorriyadda Dalkiisa U Halgamaya

Tababaraha kooxda reer Ingiriis ee Manchester City Mr Pep Guardiola ayaa u muuqda mid u halgamaya xorriyadda dalkiisa Catalonia oo doonaya in uu ka madax bannaanado Spanish-ka. Macallinkan ayaa dhawr goor garoomada la soo galay calaamad huruud ah oo hiil u ah bulshada gobolka Catalonia ee aqoonsi raadiska ah.

Tababaraha Manchester City Oo Xorriyadda Dalkiisa U Halgamaya
Caalamadda huruudda ah ee uu ku dhejistay shaadhka ayaa ah tan lagu haysto

Madaxa ururka kubadda cagta(FA) Mr Martin Glenn ayaa sheegay in aanay aqbalayn in Gaurdiola garoomada la soo galo calaamad siyaasadaysan “Tababaraha Manchester City Pep Gaurdiola ma soo xidhanayo caalamadda huruudda ah maxaa yeelay kubadda cagta ugama baahnin astaamo siyaasadaysan. Ma haysan kartid, mana doonayno in agabka ciyaaraha lagu bandhigo astaamo siyaasadeed,” Sidaas ayuu yidhi Martin.

Mr Martin Glenn oo ka hadlayay kulan ay lahaayeen guddida sare  kubadda cagta ee caalamiga ah waxa uu sheegay in astaanta Gaurdiola koodhkiisa ku dhejistay tahay mid siyaasadeed oo u taaggan madax bannaanida Catalonia. Waxa uu ku dooday in ay dad badan oo aan reer Catalonia ahayd niyad jab ku tahay astaantani.

Gaurdiola ayaa bishii hore lagu ganaaxay arrintan isaga oo qabay laba digniinood oo hore wuxuuse u muuqda mid halganka dalkiisa ka qayb qaadanaya. Mar sii horaysay oo uu arrintan ka jawaabayay waxa uu sheegay in umad dhan lagu haysto wixii ay door bidayeen, islamarkaana astaantani tahay mid dimuquraadiyadeed. Waxa uu sheegay in siyaasiyiin xidhan yihiin kuwana aanay ku noqon Karin Catalonia oo la xidhayo.

Waxa uu ku dooday in astaantani aanay ahayn mid siyaasadeed laakiin, ay tahay mid dimuqraadiyadeed oo u taaggan dad aan samayn Karin wixii ay sax u arkayeen laakiin, waxa la filaya in uu dhakhso uga jawaabo eedahan cusub ee madaxa FA Cup-ka.

Pep Guardiola: No place for ‘political symbols in football – FA boss Glenn

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.