Tababar Loo Furayo Golaha Wasiirrada Iyo Waxyaabaha La Barayo

0

Hargeysa(Sayruuq) Machadka Tobabarada shaqaalaha dawlada ee CSI ayaa la filayaa in uu tobabar shan maalmood ah u bilaabo golaha wasiirada cusub ee madaxweyne Muuse Biixi .

Ma jirto war rasmi ah oo machadka iyo madaxtooyadu ay ka soo saareen tobabarkan lakiin warar xog ogaal ah oo uu geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in machadka CSI uu tobabar u bilaabi doonto maalika sabtida golaha wasiirada cusub , kaas oo duruusta loo siin doono si wada jir ah .

Duuruusta la bari doono ayaa la sheegay in ay isku jiraan kuwa dhinaca shaqada dawlada ah iyo kuwo dhinaca hab dhaqanka ah iyo anshaxa xilka ay hayaan u baahan yahiin , maadaama oo ay u badan yahiin dad aan hore uga soo shaqeyn xafiisyo sarsare oo dawladeed .

Tobabarkan ayaa la sheegay in ay bixin doonan qaar ka mid ah macalimiinta CSI ayaa ku yimid codsi ay xukuumadu u gudbiysay machadka , waxaana uu tobabarkanu noqonayaa kii ugu horeeyey ee la siiyo golaha wasiirada Somaliland .

Source: Geeska Afrika

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.