Taarikhda wasiirka wasaarada maaliyada

0

Aqoon yahan Yuusud Mohamed Cabdi waxa uu kamid yahay dhalinyarada aqooon yahanka ah ee qaranka Somaliland leeyahay,waa dhalin-yaradii la jaan qaaday dib u dhiskii qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waa masuul ku bar baaray u shaqaynta qarankiisa waxaanu 20 sanno ee u danbeeyay Ka soo shaqaynay Wasaaradda Maaliyada Somaliland.

waxa uu waayo-aragnimo buuxda u leeyahay shaqadda wasiirnimo ee dhawaan madax-wayne Muuse biixi u magacaabay.

Haddaba aan dib u Millic sano Sooyaal taariikheedkii Wasiirka Cusub ee Wasaarrada Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyada Soomliland innaga oo ka eegi Doona Dhinaca
Shakhsiyada Wasiirka Cusub,dhinaca Waxbarasho,Waay-aragnimo,dhinaca ,Heerarkiisii Shaqo.Ballan qaadyadiisii U horreeyay iyo siduu u ballan qaaday inuu Qaban doono Horumarka Loo Jeellan yahay.

Shakhsiyadiisa.Intaan ka aqaan waa shakhsi ku xidhnaanshaha
Alle aad ugu xidhan waa shakhsi cibaado badan,oo goobaha cibaadada lagu arko ,waa shakhsi leh aqoon Diimeed oo dhamaystiran. waa nin codkara ,hadalyaqaana ,aqoonyahana,ixtiraama qaderiyana bulshadiisa qaybaheeda kala duwan haday noqoto oday dhaqameedada,dhalinyaro haween,waa shakhsi dareema dadka danyarta ah ,waa shakhsi u tudha bulshadiisa kuna takrifalin awoodiisa,waa shakhsi ay jecelyihiin shaqaalihiisu iyo qaybaha kala duwan .

Heerarkiisa Wax barasho.
Aqoonayahan Yuusuf Mohamed Cabdi waxa uu kamid ahaa dhalin-yaradii ugu firfircoonayd dhinaca wax-barashada aqtiyadii dugsiyada hoose/dhex illa heer Jaamacadeed,Waxa kamid ahaa lodkii u horreyay ee ka qallin jabiyay Jaamacadda Hargeisa isagoo First Degree giisii kowaad ku qaatakulliyada dhaqaalaha iyo maamulka ( Faculty of Economic and Management Sciences)

sidoo kale waxa uu diyaariyay laba shahaado oo Master program ah waxayna kala a yihiin
(Master of Public Administration ) oo uu ka diyaariyad jaamcada Ethoipan Civil Sercvice Universty,
sidoo kale waxa uu shaadada master ka mar labaad ka diyaariyay Jamacada Villanova University oo ku taal wadanka maraykanka waxaanu ku qaatay shahaadada labaad ee master ka ah (Master of Public Financial Management ).

Haddana waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyaddu wadaa master kale oo online oo uu ka diyaarinayo Master of International Trade (MIT) jaamacad ku taal wadanka Tazaniya laguna magacaabo Topeka University.

Heerarkiisa-Shaqo.
Heerarkiisa shaqo waxa uu wasiir Yuusuf waqtigiisa ugu badnaa ku soo qaatay wasaaradda uu hadda wasiirka ka yahay waxaanu ku soo biiray 1996 xilligaas oo uu ahaa arday ku jira dugsiga Hoose/Dhexe,waxaana shaqadda qoray Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleban Maxmauud Aaden.Waxa uu shaqada Wasaaradda Maaliyadda ka soo bilaabay Waxa uu Shaqada wasaarada ka soo Billabay Karaani,
Muddo ka dib waxa uu noqday sarkaal,waxa uu noqday madax qaybeed,üwaxa uu noqday xafiiska kastamka isagoo ka noqday office management,waxa uu noqday maamule,maantana waa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

Wasiir yuusuf waxa uu sidoo kale kale ka soo shaqyay Hay,addo kala duwan oo Wasaaradda Maaliyadda kala soo shaqeyay dhinaca Horumarinta kuwaasi oo kala ahaa Adam Smith International Ltd Company The Department for International Development (DFID).

Sidoo kale waxa uu gudoomiye ka yahay Hay adda Dimuqraadiyda Geeska sidoo kale waxa uu ahaa La taliyaha waaxda miisaanniyada ee Golaha Barlamaanka.Waayo-aragnimadiisa.Aqoon yahan Yuusuf, waaa aqoon yahan Soomaaliland, haystana shahaaddoyin heerka sare ee Master ta ah,

waa khabiir waayo aragnimo fog uleh arimaha Horumarinta Maaliyada,dhinaca xisaabadka,dakhli soo saarka,Maamulka iyo maaraynt waxaanu ka soo shaqeeyay qaybo badan oo wasaaradda Maaliyadda ah.

Waxa uu waayo-aragnimo buuxda u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee wasaaradda Maaliyaddu u shaqayso.

Waa sababta uu Madaxweyne Muuse Biixi usoo xushay shakhsi xul ah oo ka Bixi kara Caqabadaha faraha badan eek u Gadaaman Wasaaradda Maaliyadda.

Guntii iyo gababgadii Wasiir yuusuf ayaa waxa uu kamid yahay dhalinyarada sida qoraxda uga dhex ifaya gollaha wasiirada ee xukuumada Muuse sidoo kale waxa uu kamid yahay Wasiirada sida wayn shacabku ugu dhegtaagayo dhaqdhaqaaqooda,waxaana shacbi waynaha Somaliland rajo wayn ka qabaan inuu horumar ballaadhan ka sameeyo dhinaca shaqo abuurka dhalinyarada,Horumarinta Maaliyadda,la daggaalanka musuq-masuqa,cidhib tirka sixir bararka xadhka goostay.

Waxaaanu inta badan Hadalkiisa ka dhex muuqda inuu diyaar u yahay inuu xiddidada u siibo,musuq-maasuqa,sixir bararka.

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan ahaa macalimiintii wasiirka ee jamacada Hargeisa, una qiraayo dadaal iyo kartida dheeraadka ah ee allah ku maneeystay Yuusuf. Una qalmo xilkaa culus ee qaran. Dhamaana udiyaar nahay inaanu garab kusiino wasiirka ,hubana inuu si hawlkar leh igasoo baxaayo xilkaa bi idmi llah. Dadka meelahaa ka faafiyaa dacayadaa faashilka ah waxaan usoo jeedin lahaa inay wasirka usoo ducweyaan kana daayaan habaarka ma huro ,ninka aqoontaa iyo khibradaa iyo heelanaantaa lahi hadimo

Jimce wanaagsan

ProfMohamed Abdikariiñ Hirsi
Senior lecturer at Somaliland Universities
Ex Dean of Faculty of Business
University of Hargeisa

“Sarraynta sharcigee “Hadal yar iyo Hawl badan .guul Somalland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.