TAARIIKHDU WAA CIBAARO | W/Q Cabdalla Xaaji Cismaan

0

TAARIIKHDU WAA CIBAARO | W/Q Cabdalla Xaaji Cismaan

Taariikhda aadmigu soo maray taniyo intii uu Ilaahay abuuray dunidan ee ay soo jirtay, waa cibaaro miidhan oo u baahan in dib loo jalleeco si wax loogu qaato.Marka uu Ilaahay(SW) uu innooga warramayo raggii qooqay ee uu Fircoon ka mid ahaa waa si aynnu uga baydhno waddadii ay qaadeen Fircoon iyo raggii la midka ahaa, isla markaana aynnu u marno dariiqa toosan ee ay ambiyadii innoo jeexeen. Qarni kasta waxa dunida soo mara rag tacaddiyo geysta oo aan waxba ku qaadan kuwii iyaga ka horreeyey ee sida xun u dhintay amma u jabay.
Waxaan maanta qoraalkan kooban doonayaa inaan kaga hadlo qayb yar oo ah sooyaalka mid ka mida boqorradii daallimiinta ahaa ee soo maray gobolkan bariga Afrika. Boqorkaas baan sidii uu u dhaqmayey, isla weynidiisii iyo halkii uu ku dambeeyey soo qaadanaynaa. Boqorkaan ka warramayo waa Hayle Silaasihii mar ka talin jiray dalka Itoobiya oo 45 sannadood boqor ahaa.

Hayle Silaase waxa uu si shirqool ah ku hantiyey boqortooyadii Xabashida sannadkii 1928kii.(Dhaxalka meella kamuu soo galayn). Intii aanu boqorka noqon magaciisa runta ah waxa la odhan jirey Tefarri Mokonnen. Waxa aabbo u ahaa Raas Mokonnen Waldhe Mikael oo u shaqayn jirey boqorkii waagaa ee Xabashida, Menelik. Menelik markii uu qabsaday xaruuntii Islaamka geeska Afrika ee Harar sannadkii 1887kii,waxa uu Raas Mokonnen oo Hayle Silaase aabbihii ahaa u magacaabay inuu noqdo guddoomiyihii u horreeyey ee Amxaar ah ee xukuma Harar,halkaas oo uu tacaddiyo badan ka geystay. 1930kii ayuu Hayle Silaase isku caleemasaaray inuu yahay boqorkii boqorrada Itoobiya(Emperor).Intaa waxa uu dheera oo uu sheegan jiray (Roi des Rois) (Boqorkii boqorrada) Lion Conquérant de la Tribu de Juda( Libaaxa guusha ee Yuhuudda)
Élu de Dieu ( Kii Ilaah doortay) Défenseur de la Foi ( Kii difaacayey iimaanka) Lumière du Monde ( Iftiinka dunida) Iyo qaar kale oo badan.Sheegashadan waxa aaminsanaa dadka Amxaarada oo gaadhay heer ay u sujuudaan isla markaana ay ku dhaartaan Hayle Selaase.
Boqortooyadii Itoobiya makaniisadda ayey aad ugu xidhnayd,waxayna isku ahaayeen ul iyo diirkeed. Go’aamada uu qaadanayo boqorku, qaarkood makaniisadda ayuu kala tashan jirey. Xitaa qofka bornimada loo dhiibayo iyagaa go’aamin jiray sidaa daraaddeed ul iyo diirkeed bay isku ahaayeen boqortooyada iyo makanniisaddu. Dalka Itoobiya waa dal kristaana ayuu odhan jirey isagoo inkiray xuquuqda ay leeyihiin dadka muslimiinta reer Itoobiya oo boqolkiiba konton ah. Distoorka dalka Itoobiyana si qayaxan buu ugu qornaa in dalku yahay Kristaan.Maalmaha ciidaha Kristanka waa laga nasan jiray shaqada hasayeeshee ciidaha Islaamka waa la shaqayn jiray (arrintan waan u joogay).

Haile Selaase sannadihii uu boqorka ahaa dadka Amxaaradu mugdigii ay dunida kaga jireen ayuu ka saaray gaar ahaan dhinaca waxabarashada iyo dhaqaalaha. Xukunka, maamulka iyo ciidammadana iyaga ayuu gacanta ka saaray. Qawmiyadaha dega koonfurta Itoobiya iyagu inay addoomo yihiin ayey u aqoonsanaayeen boqorka iyo nidaamkiisu.Qawmidda Oromada aad bay u xaqireen reer boqor oo Gaalla ayey ugu yeedhi jireen, cuqdad weyn bay taa ka qaadeen Oromadu,heer waxay gaadheen inay Amxaaroobaan oo qawmiyaddoodii u arkaan mid liidata gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada Shawa iyo Wallagga.

Hayle Selaase xukunkiisa sees adag oo uu is lahaa cidi ma gilgili karto ayuu u dhistay. Ra’iisalwasaariyaha iyo wasiirrada oo dhan, aqalka sare ee baarlamaanka, guddoomiyayaasha gobollada,saraakiisha maamulka, safiirrada, saraakiisha ciidammada iyo qaadiyada maxkamadaha dhammaan isagaa soo magacaabi jiray.Guddoomiyaha maxkamadda sare isaga laftiisa ayaa ahaa intii uu noolaa oo dhan. Hoggaamiyayaasha qawmiyadaha dalka oo dhan si toosa ayuu ula xidhiidhayey, kuwa daacadda u noqdana xoolo badan iyo darajooyin buu ku tixi jiray .
Hayle Selaase iyo qoyskiisu heer bay gaadheen ay dalka u maamulaan sidii guryo ay leeyihiin oo kale, saddex wiil iyo saddex hablood oo uu dhalay mid walba waxa uu ku magacawnaa amiir u taliya gobol, hantida dalka iyagaa iska lahaa oo cidina ma xisaabinayn, gobollada dalka oo dhan meelo ay ku raaxaystaan oo iyaga u xidhan bay ku lahayeen.Cuntada ay cunaan qaar baa Yurub looga soo waaridayey xitaa biyaha nooca Evian la yidhaa ayaa France
looga keenayey oo guriga reer boqor lagu cabbi jiray. Baabuurta lagu raaxaysto kolba ka u dambeeya ayey wadanayeen, boqorka keligii oo qudha baabuurta u gaarka ah ee raaxada badan 73 bay ahaayeen.Qasriga boqortooyada meelo ugaadha iyo dugaagga lagu dhaqaaleeyo ayaa ka samaysnaa.Ganacsiga waawayn sida warshadaha,beeraha waaweyn, huteellada iyo guryaha waaweyn oo dhan boqorka innamadiisa, hablihiisa, kuwa uu soddogga u yahay, inta ku dhawdhaw iyo makanniisadda ayaa iska lahaa.1974kii markii xukunka laga tuuray hantida boqorka dibadda u taallay waxa lagu qaddaray 20 bilyan oo Dollars.

Waxa uu ahaa nin aad iyo aad u lacag jecel, maalmihii xukunka laga tuuray ayaa sariirtii uu ku seexan jiray firaashkii saarraa hoostiisa laga soo qufay lacag qadarkeedu dhannaa 350,000Birka Itoobiya ah. Intii uu boqorka ahaa waxa uu ku dedaalay inuu helo dawo wax ka tarta gabowga oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay.(Arrinta gabowga, Allaha u naxariistee Ugaaskii Ciisaha,Ugaas Xasan Xirsi baa laga weriyey). Intaa waxa dheeraa cabsi joogta ah oo lagu hayey qawmiyadaha Itoobiya oo dhan. Cabsi gelintu tan iyo boqorradii isaga ka horreeyey siyaasad ay ku dhaqmaan bay u ahayd si dadka oo dhan loo tuso xoogga boqortooyada isla markaana loo oggolaysiiyo xukunka Amxaarada.

Bilawgii jabka boqortooyada dhiil waliba markuu buuxsamo uu daataa, sannadkii 1971kii ayaa bilaw u ahaa burburka boqornimadii Hayle Selaase.Waxa uu Ilaahay ku salliday ardaydii jaamicadaha Addis Ababa, kuwaas oo dhigay bannaanbaxyo aan kala joogsi lahayn.Waa Amxaaradii uu isagu rabbaystay,waa kuwii oo weliba hoosta ku sita mabaadiida Shuucidda oo berigaa calankeedu babanayey.Boqorku wadda kasta ayuu u maray sidii uu u joojin lahaa kacdoonka ardayda weyse u suuroobi wayday.Kacdoonkaa oo socda ayaa waxa uu Ilaahay qaddaray in gobolka Wallo abaar xumi ku haabsatay 1972-1973kii.Abaartaas oo Hayle Selaase iyo wasiirradiisiiba si weyn u dafireen iyagoo ku andoocoonaayey in dalka Itoobiya haba yaraatee aanay abaaro ka jirin.Tefishanka (BBC) da ayaa berigaa baahiyey oo caalamka tusay abaarta ba’an ee ku dhufatay gobolka Wallo, intaa waxa la daba dhigay Hayle Selaase oo qasriga boqortooyada dugaaggii ku noolaa hilib u qaybinaya. Dadkii ay abaartaasi sahayatay waxa lagu qaddaray laba boqol oo kun oo ruux. Haddeed mudaaharaaddadii iyo shaqo ka fadhiisigii ayaa sii xoogayestay, ciidammadii iyo saraakiishii hoose ayaa iyaguna gadooday. Hadal iyo dhammaan taariikhdu markay ahayd 12kii Sebtambar 1974kii ayaa xukunkii Hayle Selaase ciidammadu afka ciidda u dareen.Maalintaa baa ugu dambaysay Hayle araggiisa.

Maalmo ka dib waxa dhegta dhiigga loo daray ra’iisal wasaariyihii, wasiirradii,saraaskiishii sare ee ciidammada oo uu ku jiro wiil uu awow u ahaa oo ciidanka badda xukumi jiray,kuwaas oo tiradoodu dhammayd 59 qof. Wiilkii dhaxalka lahaa oo la odhanayey Asfa Wossen iyo wiil uu dhalay oo Yurub joogay maahee intii kale ee reer boqor xabsiyada ayaa lagu guray, hantidii ay dalka ku lahaayeen dhammaan waa la qarameeyey oo dawladdaa la wareegtay.27kii Ogost 1975kii ayaa radiyo Addis Ababa laga sheegay in Hayle Selaase dhintay oo la aasay.
Sida uu u dhintay iyo halka lagu aasay midna lama sheegin.

Boqor Hayle S. yaa afgambiyey, siduu u dhintay, halkee lagu aasay?
Waa halkan meesha ay cibaaradu ku jirto. Ninkii darajooyinka aan kor ku soo xusnay sheegatay waxa xukunkii ka tuuray mid ka mida kuwii uu u haystayaddoomaha, waa Korneyl Mangistu Hayle Mariyam oo ka soo jeeda qawmiyadda la yidhaa Walaamo ee degta koonfurta Itoobiya. Mangistu16kii sannadood ee uu xukunka hayey kumanyaal Amxaaro kuwii ladnaa ah ayuu dhegta dhiigga u daray qaar kale oo badanna xabsiyada ayuu ka buuxiyey. 1991kii ayaa isagana taladii dalka xoog looga tuuray.Halkaa markay arrimuhu marayaan ayaa Amxaaradii daacadda u ahayd Hayle Selaase baadi goob u galeen halkii lagu aasay maydkiisa.Sannadkii 1992kii ayaa nin ogaa halkii lagu xabaalay soo baxay. Maalintii uu ninku horkacayey dadka si loo soo saaro qalfoofkii Hayle waxa daba socday oo duubayey telefishannada caalamka qaar ka socday.Sidii loo daba socday ayuu ninkii galay gurigii madaxtooyada, waa la yaabay, lagama hadhinse oo waa la daba socdaa,xafiiskii Mangistu fadhiisan jirey ayuu daf yidhi, uu sii dhaafay oo musqusha ayuu galay, gidaar hortiisa ah ayuu farta ku fiiqay isagoo tilmaamaya halka lagu aasay maydka Hayle Selaase. Waa la jebiyey gidaarkii oo laga soo saaray saxaaraddii uu ku jirey qalfoofku.

Haddaba ninkii boqorka boqorrada sheeganayey ee Hayle Selaase waxa musqushiisa ku xabaalay oo 16 sannadood ku dul kaadshayey oo ku dul sindhoonayey mid ka tirsan kuwii uu u haystay addoomaha. Ku darsoo weliba magaca Mangistu waxa ku soo arooray xarfaha ay ka kooban tahay kelmadda carabiga ah ee NAJIS(Sheekh Cabdulmajiid Kashk Allaha u naxariistee ayaan ka dhageystay kelmaddaa). Waa cilmi Ilaahay wax innagu tusayo una baahan in lagu cibaaro qaato. Ninkasta amma koox kasta oo tacddi iyo isla weyni ku dhaqanta waxa u dambayn ifka oo ay ku dulloobaan iyo cadaab aakhiro.

Tusaale yar aan raaciyoSannadkii 1979kii boqorkii dalka Iraan Shaah Raasa Bahlaawi oo 40sannadood dalkaa xukumi jiray ayaa isna taladii xoog looga tuuray.Isagoo dullaysan ayuu dalkiisii hooyo ka cararay.Boqor Shaah isagoo haystay hanti lagu qaddaray bilyanno oo dibadaha u taallay ayuu waayey dal soo dhaweeya, haad geed u fadhiisto waayey buu noqday, aakhirkiina silic iyo dulli buu ku dhintay. Sidaa oo kale Maarkoos oo muddo badan ka talin jiray Filibiin, Bookaasihii Afrikada Dhexe ka amar-ku-taaglayn jirey iyo dabcan Siyaad Barre ayaa iyaguna guuldarro iyo dulli ku dambeeyey.
Sannadkan 2011ka ee aynnu ku jirno, madaxweynihii dalka Masar Xusni Mubaarik oo dalkaa ka soo taliyey muddo 32sannadood ah ayaa xukunkiisii afka ciidda loo daray, maalmo yar kadibna waxaan telefiishannada dunida ka fiirsannay isaga oo rarab lagu sido oo maxkamad la hor keenay isaga iyo wiilashiisii dhaxalka isu diyaariyey oo dullaysan.
Kornayl Qaddaafi oo isna 42sannadood dusha ka saarraa ummadda Liibiya ayaa
isaga iyo wiilashiisii oo dullaysan duhur cad laga eryey taladii dalka.

Guntii iyo gebagebadii aan ku soo af jaro qoraalkan oo aan idhaahdo sooyaalka dunidu soo martay waa cibaaro u baahan in dib loo jalleeco si ay cid walba cashar buuxa iyo cibaaro ugu noqoto.

Cabdalla Xaaji Cusmaan, 2011
La xiriir cabdalla_xaaj [AT] yahoo.fr

XIGASHO
1)Wikipedia
2)BBC
3)Radiyo Addis Ababa
4)Ugaas Xasan Xirsi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.