Taariikhda Iyo Dedaalkii Haweenayda Ikhtiraacday Laysarka Indhaha Lagu Qalo.

0

Orlando(Sayruuq)-Haddii aad in uun maqashay laysarka indhaha lagu qalo (Laser Eye Surgery), waxaad ka fikiri lahayd qofka ikhtiraacay ee hawshaas maskaxda geliyey. Waa gabadh madow ah oo la yidhaa Drs. Patricia Era Bath. Waxa ay qalabkan samaysay sannadkii 2000-dii. Waxa ay haysataa afar ruqsadood oo xagga qalliinka ah oo dawladda Maraykanku siisay.

 

Drs. Particia Era Bath waxaay 4 November 1942-kii ku dhalatay degaanka Harlem ee magaalada New York oo ka tirsan waddanka Maraykanka. Waa dhakhtarad ku takhasustay barashada iyo daawaynta cudurro gaar ah oo ku dhaca indhaha (Ophthalmologist). Waa ikhtiraace iyo waliba aqoonyahanad. Waxa ay iska jebisay silsilad la odhan jiray haweenka Afrikanka ah ee Maraykanka ku nool ayey ku xidhan tahay oo dhinaca aqoonta ah. Ka hor Dr. Patricia, gabadhna kama ay shaqayn mac-hadka indhaha ee Jules Stein Eye Institute. Waxa ay shahaadada ku qaadatay cilmiga barashada indhaha iyo cudurrada ku dhaca (Ophthalmology). Waxa kaloo loo doortay inay xubin-sharafeed shaqaale ka noqoto Xarunta Caafimaadka ee UCLA Medical Center oo ah ta ugu sarraysa xarumaha caafimaadka ee Maraykanka.

Dr. Bath oo ah haween madaw amma Afrikan ah kama ay shaqayn amma kama baran cilmiga barashada indhaha iyo cudurrada ku dhaca (Ophthalmology) Jaamacadda New York University) iyo waliba xarunta qalliinka ee UCLA Medical Center. Sidoo kale, waa gabadhii ugu horraysay ee African-American ah ee liisan qalliinka hesha. Waxay inta badan ku takhasustay in ay indhaha biyaha ka sii dayso.

Waxa ay aasaastay mac-hadka Ka-hortagga Indho La’aanta ee Maraykanka (American Institute for Prevention of Blindness) oo xaruntiisu tahay Washington D.C.

Asal ahaan waxay ka soo jeedaa aabbo iyo hooyo muhaajirin ahaa oo ka haajiray jasiiradda Trinidad ee dalka Spain. Aabbaheed wuxuu ahaa qoraa wargeysyada inta badan wax ku qora, bad-maax, waana ninkii ugu horreeyey ee madow ah ee ka shaqeeya waddada tareennada ee magaalada New York.

Qoyskeeda oo ahaa dad aqoonta jecel ayaa kula talin jiray inay caafimaadka barato, sidaa darteed waxay ku guulaysatay deeq waxbarasho oo ay bixiso hay’adda National Science Foundation, iyadoo dugsiga sarena dhigan jirtay Charles Evans Hughes High School. Arrintan waxa ay u horseeday in ka mid noqoto mashruuc cilmi-baadhiseed ay Jaamacadda Yeshiva University iyo cusbitaalka Harlem Hospital Center ka samaynayeen cudurka Kansarka.

Sannadkii 196-kii iyadoo wali da’yar waxaay heshay abaalmarin la yidhaa “Merit Award” oo uu bixiyo magasiinka Mademoiselle oo lagu abaalmariyo dedaalka ay ka samaysay mashruuca kansarka cilmi-baadhista lagu waday, balse kuma ay qancin oo waxay u beddelatay Jaamacadda Howard University College of Medicine ee magaalada Washington D.C si ay caafimaadka uga dhigato, waxaanay ka qaadatay shahaadada digriiga ee dhakhtarnimada 1968-kii. Intii ay ku jirtay jaamacadda waxay ahayd Madaxweynaha Ururka Ardayda Caafimaadka (Student National Medical Association), halkaasna waxa ay ka heshay in ay xubin ka noqon karto Mac-hadka Caafimaadka Qaranka iyo Mac-hadka Caafimaadka Dhimirka (National Institutes of Healdh and the National Institute of Mental Health). Waxa kaloo jira meelo ay mutadawacnimo caafimaad ahaan ah kaga shaqayn jirtay sida Harlem Hospital Center, halka ay sidoo kale soo dhawayn ka heshay Jaamacadda Columbia University. Dedaalkeeda awgeed ayaa cid kasta oo aragta kala jiidanaysay si ay uga mid noqoto goobahooda.

Sannadihii 1968 ilaa 1970 waxaay ogaatay in daawaynta xagga indhaha ee bulshada saboolka ah ee laga tirada badan yahay aad u liidato, taasina keentay in indho la’aantu ku badato. Waxa ay go’aansatay in ay arrintan ka hawlgasho, waxanaay macallimiinteedii ku qancisay in ay qaybta indhaha ee cusbitaalka Harlem Hospital Center ka hawlgasho, halkaas oo aan hore looga fulin qalliin indhaha ah.

Dedaal dheer oo ay samaysay waxa ay Dr. Bath ku soo kordhisay caalamka arrin cusub oo wax badan ka tartay qalliinka indhaha. Dadka degaankeeda waxady ka caawisay caafimaadka indhaha, gaar ahaan intii ay ku sugnayd Jaamacada New York  University laga soo bilaabo 1970 ilaa 1973-kii, sidaasna waxay ku noqotay qofkii ugu horreeyey ee African-American ah ee waxa uu soo barto qabta.

Markii ay waxbarashada sare dhammaysatay waxa ay noqotay caawiye birifisoor oo ka hawlgala Mac-hadka Indhaha ee Jules Stein Eye Institute oo ka tirsan Xarunta UCLa iyo Jaamacadda Charles R. Drew University ee caafimaadka, ka hor intii aanay noqon aasaasaha Mac-hadka Ka-hortagga Indho La’aanta ee Ameerika (American Institute for the Prevention of Blindness).

Gabadha taariikhda sidaa u badan leh, qortayna buuggaag isugu jira kuwo dhakhaatiirta caafimaadka ee indhaha lagu tababaro iyo qaar caafimaad ka hadlaya ayaa soo saartay layskarkan, iyadoo waliba jaamacado kala duwan oo adduunka ah shahaadooyin iyo aqoon ka qaadatay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.