Taariikh nololeedka madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Xildiid

0

Hargeysa(Sayruuq)-Muuse Xuseen Cabdi Xildiid Waxa uu dhashay taarikhdu markii ay ahayd-1948, Waxa uu ku dhashay Galbeedka Hargeysa tuullo yar oo ku taalla oo la yidhaahdo Agaas.

Xiligii barbaaritaankiisi wax-barasho waxa uu u soo-wareegay magaalada Hargeysa oo uu ka bilaabay dugsigii Sheekh-Baraawe oo markaa ku yaalay dooxa-Hargeysa agagaarkiisa markii danbena usoo wareegay jeelka-weyn ee Hargeysa dhankiisa galbeed.

Wax-barashadiisi hoose dhexe waxa uu ka bilaabay dugsiga hoose dhexe ee Biyo-dhacay ku-sinaan taarikhdu markii ay ahayd 1959-kii isago wax-barashadiisi kalena ku soo qaatay Camuud.

Taarikhda waxii intaas ka danbeyey 1970-kii waxa uu ka midnoqday ardeydii loo-qaatay in loo-soo tababaro carbiska saraakiisha oo uu ku soo-qaatay waddanka ruushka Akadammiyada-barashada cilmiga duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28). Soo-noqadkiisi waxa uu ka midnoqday Ciidamadii-cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cad-cadaa xaga ciidamada Militeriga ee cirka wakhtigii dagaalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya-1977-kii.

Ka dib wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya. Sanadihii 1970 illaa 1973, wuxuu tababar sarkaalnimo siiyay Midowgii Soviet.

Markii uu ku soo noqday dalka, wuxuu ka hawlgalay saldhigyadii ciidankii cirka ee Balli-doogle, Baydhabo iyo xaruntii dhexe ee ciidankaasi ee muqdisho.

Muse Biixi Cabdi wuxuu 1981 ilaa 1982 tababar ku qaatay saldhigga milliteriga Mareykanka ee gobolka Ohio kaas oo lagu magacaabo “Dayton Air Base”.

Korneyl Muse biixi Cabdi ayaa sidoo kale tababar ku qaatay sakadeemiyada gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ee lagu magacaabo “Fort Lee”, sanadihii 1983 illaa 1985.

Muse Biixi Cabdi, markan kuma noqon Somaliya ee wuxuu toos uga degay Ethiopia 5 May sanadkii 1985. Wuxuu ku biiray jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay dawladdii Maxamed siyaad Barre.

Korneyl Muse Biixi oo ka mid ahaa taliyayaashii ugu magaca dheeraa SNM, markii dawladdii dhexe ee Somaliya burburtay ee Somaliland na goonni isu taagtay, wuxuu 1993dii

noqday wasiirkii Arrimaha gudaha Somaliland ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuuna wasaaraddaasi hayay muddo oo uu ku soo can baxay.

Muse Biixi wuxuu ka mid noqday gudigii fulinta, markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii may 2002-dii, isagoo gudoomiye kuixigeenka kowaad loo doortay 2008.

Muse Biixi waxaa gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye loo doortay 10 nofembar 2015-kii, ka dib shirweynihii xisbiga, waxaana loo xushay in uu noqdo musharraxa xisbiga.

Wuxuu ku hadlaa luqdaha English, Carabi, iyo Ruush. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka, 2008 ilaa 2010.

Muuse biixi wuxuu leeyahay laba xaas iyo todoba caruur ah. saddex wiil iyo afar gabdhood.

Wuxuu hadda u loolamayaa xilka madaxweynaha shanaad ee Somaliland isagoo metelaya xisbiga hadda talada haya ee Kulmiye.

Doorashaddii 13 November 2017 ka dhacday Somaliland waxaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii 5 aad ee Somaliland.
Hargeysa-Sayruuqoffice
Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.