“Taageerayaasha waxaan u sheegaynaa shaki kama qabno anagu guusha ee waxaan la sugaynaa marka lagu dhawaaqo”.Cabdiqaadir Jirde

0
“Madaxweynuhu Wuxuu Keenay Khudbad Boro-Bagaando Ah, Oo Aad Moodo Inuu Doorasho Ku Galayo” Xildhibaan Cabdiqaadir

“waan ka xunahay in dadka la hiyi kiciyo  oo heshiiskii lawada gaadhay laga baxo oo xisbi si gaara isku hambalyeyo”

Hargeysa(Sayruuq)-Guddomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa goordhaweyd saxaafadda la hadlay waxaanu sheegay in xisbigoodu uusan wax warwar ah ka qabin natiijadda doorashadda islamarkaan uu aaminsayhay in bulshadda Somaliland ka simanyihiin isbedel ku yimaad dalka.

Guddomiye Jirdde waxaa uu sheegay oo kale in ay natiijadda ka warsugayaan komishanka qaranka Somaliland oo ay hore ugu heshiiyeen iyaga iyo axsaabta tartanka doorashadda ku jirtaa in natiijadda rasmiga ah ee ay iska leeyihiin ku dhawaaqideeda komishanka ,balse taa badalkeeda uu xisbiga taladda haye ee Kulmiye si anshaxa ka baxsan uu iskugu hambalyeey natiijadii kana hordhay komishanka .

Cabdiqaadir Jirde ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan shacabweynaha Somaliland sidii quruxda badneyd ee nabadgaliyadda ah uga soo dhamaatay kaambeynkii iyo doorashadii islamarkaan ay u dhabar adeygeen xaqiijinta hadafkooda ah codeynta waxaanu yidhi “Waxaan Ilaahay Ugu Mahad Naqaynaa doorashadii iyo kaambeynkii sida nabadgaliyada ah noogu dhamaaday ,waxaan u mahadnaqeynaan shacabweynaha Somaliland ee u dhabar adeygay hawshaa oo si fiican oo nabadgaliyo ah  oo dagan oo mug leh codkooda u dhiibtay ,waxa kale oo mahad naqeynaa taageerayaasha xibiga Waddani ee sida muga leh ugu codeeyay isbadelka”.

Xildhibaan Jirde ayaa dadweyhana u bayaamiyey in axsaabta iyo komishanku ay cahdi iyo heshiis ku wada galeen inaan laga hordhicin natiijadda komishanka ,waxaanu dhaliil weyn dusha uga tuuray in Kulmiye Natiijadii sii sheegtay ,xildhibaanka dhanka kalena sheegay in bulshadda Somaliland u codeysay isbedalka “waxaan u sheegaynaa dadweynaha in Axsaabta iyo Komishanku ku heshiiyeen in aan doorashada laga hor dhicin, waxaan se ka xunahay in Xisbiga Kulmiye uu is hambalyeey ,anagu kama warwarsanin in dalkan uu isbadal ku imanaayo oo isbadel kheyr qabaa ku imanaayo kama warwarsanin ,ummaduna codkeeda way dhiibatay si mug leh oo miisaan leh ayay ugu codeysay isbadelka, natiijadda se waxaan la sugaynaa Komishanka dhawaaqisa”.

Geesta kale Jirde ayaa ku tilmaamay wax laga xumaaday hadal maanta ka soo yeedhay xoogahaya guud ee xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid oo aflagaadeyey guriga murshaxa Cirro isagoo sheegay Jirde in uu arrintaa xaal ka Bixyey “waan ka xunahay in dadka la hiyi kiciyo  oo heshiiskii lawada gaadhay laga baxo oo xisbi si gaara isku hambaleeyo ,waxa kale oo aan ka xumnahay xooghayaha guud ee xisbiga Kulmiye oo si qaawan oo anshaxa ka baxsan guddoomiyaha iyo gurigiisa si xun wax uga sheegay ,waxaan leenahay waxyaabahaasi waa waxayaaba qiima rida broseeska aynu ku jirno iyo tartanka ,tartan xalaala ayaynu galnay ,guddoomiyaha xisbiga iyo mushraxu waa madaxweynihii mustaqbalka karaamo iyo waxa uu leeyahay sharaf markaa waanu ka xunahay inagaana xaal ka bixinaaya inankaan abtiga u ahey ee gafka intaa leeg galay ,taageerayaasha waxaan u sheegaynaa shaki kama qabno anagu guusha ee waxaan la sugaynaa marka lagu dhawaaqo”.

Isku wada duubo Hadalka ka soo yeedhay Guddomiyaha ku meel gaadhka ah ayaa jawaab u ah ,shir jaraaiid oo maanta ay qeybteen afheyeenka Xisbiga Kulmiye iyo Xooghayha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo taageerayaasha Kulmiye ugu sarbeebayeen in ay guushi hantiyeen taasina waxay meel kadhac iyo dabirid u tahay hanaankii iyo geedisocdka natiijadda komishanka qaranka Somaliland waxay sido kelene bulshadda ka dhex abuuri karta rabshaddo.

SayruuqNews

Hargeysa-Sayruuq

contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.