Taageerayaasha Jawar Oo Dibad Baxay

0

Dhalinyarta Qeerro ee uu maamulo Jawhar Maxamed ayaa maanta xidhay dhammaan waddooyinka halbawlaha u ah dalka Itoobiya, taas oo keentay in maanta isu socodka magaalooyinku ay xanibmaan.

Haddaba sida ay Hiiraan Online u sheegeen dad deggan magaalooyinka Harar, Baabili, Awaday, waxaa xidhan goobihii ganacsiga sida Bangiyada iyo goobaha ganacsiga ee kale iyadoo askar badan lagu soo daadiyay magaalooyinka.
Xaaladdan amni darro ee saaka dalku ku waabariistay ayaa ka dambaysay kaddib waraysi kulul oo uu Jawhar Maxamed xalay siiyay Ltv oo ah tv madaxbanaan kaas oo uu kabaha la dulmaray Xukuumadda Dr Abiyi oo uu sheegay in arrintan MADAMAR ee uu Abiyi keenay tahay mid dadka lagu cabudhinayo.
Xalay ayay dawladdu u yeedhay ilaaladii Jawhar Maxamed ee gurigiisa ilaalinaysay, taas oo ka cadhaysiisay dhammaan taageerayaasha Jawhar Maxamed waana midda keentay in dalka Itoobiya maanta xaaladdan galo.
Jawhar Maxamed ayaa ah nin udooda xuquuqda Oromada, wuxuuna haystaa taageerayasha u badan ee Oromada oo ah dadka ugu badan ee Itoobiya dega, wuxuuna leeyahay koox dhalinyaro ah oo la yiraahdo Qeerro.
Lama oga waxay ku dambayn doonto xaaladda maanta Itoobiya ka taagan, iyadoo haddii ay sida kusocoto laga yaabo in lajaro isgaadhsiinta oo Internetku u horeeyo.
Xaaladdan maanta jirta ayaa waxay u badan tahay degaanka Oromiya, iyo magaalooyinka la isla deggan yahay sida Diridhabe.
Hiiraan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.