Suxufi Xeerka Anshaxa Saxaafadda Somaliland Ma Taqaan?

0

inta badan sunaha nolosha ayay ka mid tahay, marka cid is qabato in laba shay ay ciddaas is qabatay ku kala baxdo, mid waa dhaqan iyo xeer u

yaal ummadaas, meel aan looga gudbi karin oo bir magaydo ahna leh. Ta labaadna, waa xeer la curiyey oo dawladeed oo lagu kala baxo, si sharci ahna loogu kala baxo. Haddii labadaas la waayo, maxaa ka dhalan kara.

Inta aanan su’aashaas ka jawaabin. Sanadkii 2004 waxaa saxaafada Somaliland iyo xukuumadii Somaliland isla meel dhigeen, xeer la odhan jiray, Xeer Heesaadka Anshaxa Saxaafada Somaliland. xukuumada Rayaale ayaa u soo gudbisay, Gollihii Wakiilada Somaliland, iyaguna waa ansixiyeen, ururadii saxaafaduna, waa soo dhaweeyeen, sidaas ayuu ku meel maray xeerkaasi.

Inkastoo masuuliyiin badan iyo wax garad badan oo ku xeel dheer saxaafada ay dhaliileen xeerkaas, sababna uga dhigeen in muwaadinka xuquuqdiisa sharafeed iyo qofeed aan xeerkaasi si buuxda u ilaalinayn. Sidoo kale xeerkaasi weriyaha ama hay’ada saxaafadeed ee ka gudubta xeerka ama jebisa aanu ciqaab ku mutaysanayn falkaas. Taasina ay keentay in halka laga illaalinayo xuquuqda saxaafada oo runtii ay waajib tahay in la illaaliyo, dimoqraadiyadana u ah saldhig, haddana dabar la’aantaas saxaafadeed ee lagu sii daayey muwaadinka, masuulka iyo gadh wadeenka dhaqanka, waa mid aan xal u ahayn xirfada saxaafada iyo hanaqaadkeeda ayay aqoon yahano badani ku doodeen.

Si kale haddii aynu u eegno, shuruudo ayaa suxufiga laga rabaa, shahaadooyin ayaa laga rabaa, tababar mihnadeed ayaa laga rabaa, khibrad muddo cayiman ah oo xeerku dhigayo ayaa jirta. Saxaafada Somaliland iyo suxufiga Somaliland waa curdin, sidaas awgeed, haddaan dabar loo samayn waxa ay ku tumanayaan xuquuqda muwaadinka. Waana muhiim iyo waajibaad saaran xukuumada in ay abuurto xeerkii sida dhabta ah u difaaci lahaa muwaadinka. Waana in aynu hawshaas ay wado xukuumadu ee curinta xeerka cusub isku bar bar taagnaa, ku taageernaa, talona ku darsanaa.

Middaas aynu kor ku sheegnay ayaa keentay, in xukuumada maanta dalka ka talisa ee Axmed Siilaanyo iyo qaybo saxaafada ka mid ahi ay kabis ku sameeyaan xeerkaas, dibna loo eego, isla sanadkan 2014 Ururka Solja oo saxaafadda metela iyo Wasiirka warfaafinta ayaa kulan golaystay ay ku gorfaynayaan dib u eegistaa, xeer hoosaadka anshaxa saxaafada mid cusubna isla qaatay.

Innaga oo in la dhaliilay xeer hoosaadkii hore ee saxaafada soo sheegnay, haddana, xeerkaasi waajibaad ayuu siiyey saxaafada aanay ka gudbi karin, wuxuu ku booriyey suxufiga iyo hay’daha saxaafada in aanay seerahaas ka gudbin, wuxuuna xeerkaasi bidhaaminayaa mihnada saxaafadeed iyo waajibaadkeeda, sidoo kale xukuumadu in ay ku dhaqanto inta ka kale la gudbinayo ayaa ku waajib ah, bal u fiirso qodobo ka mid ah xeerkaas. Qodobka ugu horeeyaana wuxuu sheegayaa ee xeerka saxaafadu.
“Qod: 1aad: Ixtiraam runta, ilaali xuquuqda aadamaha iyo inaad si sugan ugu waranto dadweynaha, kuwaas oo ah mabaadiiida ugu muhiimsan ee Saxaafadda.”
Qodobka 9aad ee xeer hoosaadka saxaafada ayaa faraya suxufiga in uu iska ilaaliyo ku tumashada xuquuqda qofka muwaadinka ah, wuxuuna leeyahay:
“9aad: Waxa ay meel ka dhac ku tahay oo ka soo horjeeda asluubta Saxaafadda in la faafiyo sheegashooyin iyo andacoodyo aan sal lahayn, gaar ahaan kuwa wax loogu dhimayo qof sharaftiisa iyo haybadiisa.”
Sidoo kale waxaa iyana muhiim ah in aan saxaafada loo adeegsan dano gaar ah iyo bur ku maalnimo. Arrinkaas waxaa qeexaya Qodobka 7aad ee xeer hoosaadka saxaafadda Somaliland. Xaqiiqduna waxa ay tahay in badan aad arkayso saxaafadda oo gaws qaniin u isticmaalaysa mihnadeeda ama si qaawan qof isaga difaacaysa.
“Qod: 7aad: Waa in aan masuuliyadda saxaafadda ee ku waajahan dan bulshada caam ah lagu qaldin faafinta saxa ah, oo aanay jiidan dano gaar ahaaneed iyo hawlo ganacsi oo ay leedahay cid kale oo saddexaad.”
Qodobka qudha ee dabar looga dhigay saxaafada haddii ay qalad gasho xeerkaas la ansixiyey waxaa weeye in aad raaligelin ka bixisid eedaha ama wararka aan jirin ee aad qof ka baahisay. Hadda ogow qofka waad bahdishay oo ceebaysay. Wuxuu qodobku leeyahay:
“Qod: 3aad: War ama caddaymo la faafiyay oo markii dambe la arkay in aanay sax ahayn, waxa loo saxayaa si deg deg ah iyo sida ugu haboon ee ay arrinta u waafaqsantahay.”
Dhanka kale xukuumada ayay waajib ay ku tahay in ay si kasta ha u xanaf batee, ay fuliso xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, kaas oo uu ka mid yahay xeerka anshaxa saxaafada ee manta sharciga ah. Haddii ay rabto in wax ka bedel iyo kabis xeerkii horena lagu sameeyaana ay u marto waddooyinka saxda ah ee sharci. Tusaale haddii ay u aragto xeer hoosaadka anshaxa saxaafaddu in aanu dalka iyo ummada u cuntamayn, middaas oo ay bulshada qaybo badan oo ka mid ahi qabaan, sidoo kale ay aqoon yahano badani ka hadleen oo sheegeen in aanu xeerkii hore ahayn mid dalka iyo dadka anfacaya. Waxaa haboon in ay dedejiiso xukuumadu curinta xeer hoosaadka anshaxa saxaafada ee bedelya kii hore, inta aanay qaylo iman si buuq joogto ah looga badbaado iyo ku tumasho xuquuqda muwaadinka.
Gunaanadka

Saxaafada Somaliland geedi dheer ayay u soo gashay difaaca iyo u dagaalanka qaddiyada Somaliland, xilliyo adag oo colaadeed ayay soo badbaadisay qaranka oo ay in badan muujiyeen dhex dhexaadnimo badan. Waxaadse moodaa maanta in wixii ay ku soo tabceen ay igayu ku duulaan yihiin, waana ayaan daro weyn, in suxufigii ay ahayd in uu difaaco xuquuqda muwaadinka iyo dalka maalin walba laga rido muwaadin uu lalansanayo. Inta xirfadooda u gudata si hufan waxaan leeyahay hambalyo, waxaanse leeyahay dhawra oo u dhug yeesha masuuliyadda aad u haysaan bulshada Somaliland.

Xukuumada lafteeda ayaa looga baahan yahay dulqaad iyo ku sugnaanta xayn-daabka xeerarka u yaal dalka. Haddii aanu xeerkaasi dadka anfacayna mid cusub oo la turxaan bixiyey waa in ay ummada u curiyaan ama kabis ku samaysaan xeerarkii hore saxaafada. Inta aanay hawshaas curinta ama gudbinta xeer cusub oo midkii hore bedelaya aanay samayna, waxaa waajib ku ah ku dhaqanka xeerka markaas dalka u yaal.

Waxaan intaas raacinayaa ilaalinta qaranka iyo ummadda waxaa ka kow ah, ilaalinta shuruucda dalka, hay’daha qaranka iyo ciddii aynu maamuuskii qaranka saarnay ee dalka u igmanay. Waa la sixi karaa laakiin sharaf ka xayuubinta iyo karaamo dilku ma waafaqsana diinta iyo dhaqanka islaamka ee xeerkii aynu dhiganay ee saxaafada kama mid aha.

La soco qaybaha danbe
Axmed Cali Kildhi
Liverpool

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.