Suldaanka Musharrax Qaasim Oo Booliska Somaliland u jawaabay

0

Suldaanka Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan oo booliska Somaliland xidheen ayaa jawaab ka bixiyay eedo boolisku sheegay oo ku saabsan in uu Somalia tagay kana madax ahaa jaaliyad dalka Ingiriiska ah.

Musharrax Qaasim oo ka soo jeeda Beesha Fiqishini ee degta Gobolka Sool ayay hayb ahaan wadaagaan bulshada deegaannada lagu eedaynayo in uu madax u ahaa ee Hawiye.

Suldaanka ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Ciidan Booliska Somaliland ayaa sheegay inay cadaymo u hayaan murashaxiinta u xidhxidhan.
Aniga oo ah Suldaanka Qasim Aadan Saleebaan waxaan ka jawaabayaa eedaynta ay usoo jeediyeen Qasim.

1- waxay sheegeen in Qasim yahay gudoomiyaha beesha habargidir ee dhuusamareeb. Hadalkaas oo aan sax ahayn sida ka muuqata qoraalka Cali yare ee ay soo xigteen Qasim wuxuu ahaa gudoomiyaha Jaaliyada beesha Cayr ee ku nool London. Magaranayo sharci u diidaya qofku inuu ka qayb qaato arimaha bulshada iyo hirumarka dadka ay hayb wadaagta yihiin.

2- Ciidanka boolisku waxay sheegeen inuu xamar tegey lana kulmay madax dowlada federaalka ah.
Waa run Qasim Xamar wuu tegey xilna markaas ma hayn wuxuuna u tegey arimo qoys. Waxaa marti qaad qaraabonimo u fidiyey Xalima Ismail(Xalima yarey) iyo Cali Yare oo aan labadoodaba anigu Suldaan u ahay. Bal boolisku hanoo sheegeen waxa diidaya qofku inuu qaraabadisa la qadeeyo, ama cadayn kale ha keeneen in kulankaas kulan siyaasadeed ahaa. Bal boolisku dib ha u akhriyeen hadalka Cali yare ee sceeenshotka ku qaadeen oo isaguba qirayo inuu Qasin yahay siyaasi SL iyo in kulanku daaran yahay qaraabonimo.

Labada qodob waa bureen ee boolisku bal wax kale ha keeneen haba xoriyadiisa ha u celiyeen.
Bal boolisku maxay usoo qaadan waayeen doodaha badan iyo sawirada Qasim isagoo SL ku difaacaya kana hadlaya meelo badan sida baarlamanka yurub iyo meelo kale.

Suldaan Mustafa M Awseed.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.