Suldaanka Guud ee Habarjeclo Oo Ku Taliyay In La Ilaaliyo Nabadgelyada Dalka

0
Suldaanka Guud ee Habarjeclo Oo Ku Taliyay In La Ilaaliyo Nabadgelyada Dalka
Suldaannada Guud ee Subeer Awal Iyo Habar Jeclo

Suldaanka Guud ee Habarjeclo Oo Ku Taliyay In La Ilaaliyo Nabadgelyada Dalka

Hargeysa (Sayruuq)- Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka hadlay xaalada nabadgalyo ee dalka, waxaanu soo jeediyey in awooda la saaro sidii xaalada nabadgalyo ee dalka loo sugi lahaa, loona ilaalin lahaa, xilli doraad weerar ka dhacay Magaalada Boorama.

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Nabadgalyada oo la ilaaliya, waa waajib ina wada saaran, imaankii iyo amaankiina amaankii ayaa la horeeysiyey, waana hubaal in haddii amaanku meesha ka baxo in aanay Waxbarasho, Ganacsi iyo wax walba meesha ka baxayaan, markaas amaanka guud ee dalka ha la sugo, oo awooda la saaro sidii loo ilaalin lahaa, colaad iyo dagaalna faa’iido ay leeyihiin ma jiraan”.

Mar uu ka hadlaayey xaalada Gobolada Barri ayaa yidhi “Xaalada Gobolada hadda wey roon yihiin, meel wacana hadda hawshu wey noo maraysaa, waxaana raynaynaa inshaha allaah inay wax walba si fiican noogu dhammadaan”.

Xigasho:Geeska

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.