Suldaan Maxamed Oo U Jawaabay Buurmadow

0
Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir Oo Ka Hadlay Sida Loo Xallin Karo Colaadda Ceelafweyn

Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir suldaanka guud ee beelaha Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay Komishanka cusub.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, waxaanu ugu baaqay inuu ka dheerado Siyaasada, iyo in aanu kala jeclaysan Beelaha, isla markaana aan la adeegsan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay umaddani sharci bay ku joogta, shuruucda Dastuurka ku qoran haddii la burburiyo dhibaato ayaa ka dhalan karta, ee Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay shuruucda ha noo ilaaliyaan oo Shacbiga danahooda ha noo ilaaliyaan, oo Sharciga ha ku kala baxaan”.

Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko hadalkii Boqor Buurmadaw wuxuu yidhi “Boqor Buurmadaw arin siyaasi ma gali karo, kama hadli karo, qofkuna wuxuu u baahan yahay inuu shuruucda dalka yaala wax ka akhriyo, laakiin nimaan shuruucda waxba ka garanayn, oo dhegtuun wax ka maqla, waa dhibaato inuu wax walba ka hadlo, Boqorkana waxaan leeyahay, Boqoroow umaddaadii weeye dadka meesha lagu rifayaa ee yaan lagu adeegsan, oo qolo kale ku adeegsan, hana kala jeclaysan Beelaha, oo qof kasta oo Somali ah Boqor baad u tahay, Boqortinimaduna wax la ilaaliyo weeye, laakiin haddii aad dadka kala dhaweeysato dhibaatadeeda ayey leedahay”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.