Sucuudiga Oo Faahfaahiyay Sababta Ay U Dileen Suxufi Jamal Khashoggi

0
Sucuudiga Oo Faahfaahiyay Sababta Ay U Dileen Suxufi Jamal Khashoggi

Sucuudiga Oo Faahfaahiyay Sababta Ay U Dileen Suxufi Jamal Khashoggi
Laba todobaad oo boqortooyada Sucuudigu dafiraysay dilka suxufiga Sucuudiyaanka ah ee Jamal Khashoggi habeennimadii xalay ayaa xeer ilaaliyaha boqortooyadu caddeeyay in uu ku dhintay safaaradda Sucuudiga ee Istanbul, islamarkaana ay dileen saraakiil sarsare oo boqortooyada ah.

Sida booliska Turkigu hore u sheegay saraakiil Sucuudiyaan ah oo watay laba diyaaradood oo khaas ah ayaa maalintii la waayay Jamal Khashoggi waxay ka soo dageen Istanbul waxaanay galeen safaaradda iyaga oo markii dambena dib u noqday.

Hase ahaatee Boqortooyada ayaa hadda u muuqata in ay arrintan ka fogaynayso in ninkaasi lagu dilay talada dawladda Sucuudiga waxaanay masuuliyadda ku moostay saraakiishii dilkaasi gaystay oo sirdoonka u badna.

Waxa hadda la xidhay 18 xubnood oo lagu eedeeyay in ay dilka gaysteen islamarkaana isku dayeen in ay qariyaan.
Baadhistan hor dhaca ah ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay in xubnaha dilka gaystay isku dayeen in ay Jamal Khashoggi ka dhaadhiciyaan in uu ku soo laabto Sucuudiga taasna waxa ka dhalatay ismari waa iyo gacan ka hadal sababay dilkiisa.
Waxa lagu eedeeyay xubnahan in ay intaas kadib isku dayeen in ay dilka qariyaan iyaga oo boqortooyada u soo sheegay in Jamal Khashoggi ka tagay safaaradda isaga oo bad qaba.

Warbaahinta Al-carabiya ayaa sheegtay in ilo ku dhaw baadhitaanka Sucuudigu sameeyay sheegayaan in Kornayl Maher Mutreb oo ka tirsan sirdoonku nashqadeeyay hawlgalka dilka maaddaama ay Jamaal ka wada shaqayn jireen London.

Boqorka Sucuudiga ayaa arrintan awgeed xilka ka qaaday la taliyihiisa Saud Al-qahtani iyo taliye xigeenka Sirdaanka Axmed Al-asiri oo ahaa afhayeenkii hore ee isbahaysiga Sucuudiga ee Yemen dagaalka ka wada dhawaanna la sheegay in uu Somaliland bookhasho ku yimid.

Boqorka Sucuudiga ayaa bixiyay amar ku saabsan in dib u habayn lagu sameeyo hannaanka amar bixinta ee sirdoonka Sucuudiga, waxaanu magacaabay guddi wasiirro ah oo xaqiiqo raadin iyo dib u habaynta Sirdoonka ka shaqaysa.

Suxufiga la qaarajiyay ayaa ahaa qoraa iyo suxufi naqdiya Boqortooyada waxaanay u muuqata in sababta loo dilay la xidhiidho mucaaradadiisa Boqortooyada lamana oga in cambaaraynta Sucuudigu kala kulmay dunidu sidan kaga leexan doonto.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.