Su’aalo Ka Dhashay Kulan Dhexmaray Madaxweynaha La Doortay Iyo Hoggaanka Jaamacadaha

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha la doortay ee jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay madaxda jaamacaddaha Somaliland. Kulankan ka dhacay qasriga Madaxtooyada oo saacado badan qaatay war rasmi ah lagama soo saarin laakiin, waxa lagu sheegay mid talooyin la isku waydaarsanayay. Waxa jira tuhun ku saabsan in hoggaanka Jaamacadaha dalku danaynayaan ka mid noqoshada xukumadda uu soo dhisayo Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hoggaamiyaha jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed ayaa kulanka kadib waraysi kooban siiyay telefishanka Eryal waxaanu yidhi “Madaxweynaha waxaanu ka wada hadalnay arrimaha dalka oo dhan. Waa dawlad cusub, waa dawlad aad iyo aad loogu rajo weyn yahay, anaguna jaamacadihii muhiimka ahaa ee Qaranka ayaanu nahay, marka wixii ay talo nala tahay xagga qaranka, xagga waxbarashada iyo guud ahaan gudaha iyo dibadaba ayaanu is dhaafsanay si fiicana waanu isku afgaranay wixii aanu talo soo jeedinayna waan tix gelinaya ayuu yidhi, anaguna wixii aanu la qaban karno waanu la qabanayna,” Sidaas ayuu yidhi Prof Saleebaan.

Prof Saleebaan Cabdi Guuleed ayaa la waydiiyay in arrinta ay ula tageen Madaxweynaha la doortay daarranayd in ay golaha wasiirrada xubno ku yeeshaan guddoomiyeyaasha Jaamacaddaha mana beenin arrintaasi laakiin, waxa uu ku tilmaamay mid madaxweynuhu xaq u leeyahay “Madaxweynuhu isaga(Xaq u leh), dastuurkuna isagu siin, talooyinkii dalkana isaga lagu ogyahay, Marka dee waxaanu ka filayna uun wanaag,” Sidaas ayuu yidhi prof Saleebaan.

Dhaqanka siyaasadda Somaliland ayaa lagu yaqaanay in madaxda dhaqanku hor qaado hadba cidda ay doonayaan in ay beelahooda ku metesho golaha wasiirrada waxaana kulankan loo qaatay in dawladdan aqoon yahankii hororsanayo kaalmo hore dhaqanka loogu yaqaanay waxaana arrintan ka jawaabay Prof Saleebaan “Madax dhaqameedka maanan dacwayne wixii ay aqoon ahayd ayaanu madaxweynaha kala hadalnay intiina wuu nala qaatay,” Sidaas ayuu yidhi Prof-ku.

Madaxweynaha la doortay Mudane Biixi waxa horyaalla in uu soo magacaabo golihiisa wasiirrada marka uu xilka la wareego 14-ka bishan waxaana muuqda caqabad weyn oo ka haysata arrintaasi kadib markii dad badan oo doonaya in ay iska dhex arkaan liiska golaha wasiirradu u xusul duubteen kasbashada Madaxweynaha la doortay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.